Hordhac: Tottenham vs Man United – Xasuuqii Old Trafford Oo Gubaya United, Jose Oo Xeelad Ciyaaraya Iyo Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulankan

Manchester United ayaa isku dayi doonta in ay ka aargudato Tottenham oo ay Axadda maanta ugu tegayso garoonkeeda, waxaanay xasuusan yihiin xasuuqii loogu soo geystay Old Trafford  horraantii xilli ciyaareedkan oo Spurs ay kusoo badisay 6-1.

Jose Mourinho ayaa soo bahdilay kooxdiisa hore markii uu ku laabtay Old Trafford horraantii xilli ciyaareedkan, waxaana min laba gool kasoo dhaliyey Harry Kane iyo Heung-min Son.

Lix bilood kaddib kulankaas, United oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka, una muuqata in ay ku dhamaysanayso ayaa waxay ku jirtaa qaab ciyaareed wanaagsan iyadoo lug lasii gashay wareegga semi-finalka Europa League, laakiin waxay u baahan tahay in ay ciyaartan meel iskaga hubsato Spurs oo iyaduna u dagaallamaysa sidii ay uga mid noqon lahayd afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka.

Tottenham ayaa ka liidata khadka difaaca, waxaana taas caddaysay Newcastle United oo qabatay toddobaadkii hore, halka United ay guul-darradii FA Cup ee Leicester City ay kaga jawaabtay guulo ay ka gaadhay Brighton iyo Granada.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartan rajaynaya in ay taam u noqdaan xiddigaha Luke Shaw iyo Paul Pogba oo dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaartii Europa League ee Granada, waxaanu tababaruhu xaqiijiyey in laacibka reer France ay jug gaadhay balse uu diyaar u noqonayo ciyaartan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Tottenham vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Tottenham Hotspurs Stadium

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Tottenham ayay dhaawacyo kaga maqan yihiin labada difaac ee Matt Doherty iyo Ben Davies oo dhaawacyo kasoo gaadheen muruqyada, laakiin Toby Alderweireld iyo Serge Aurier ayaa diyaar ah oo dib ugu soo laaban kara shaxda kooxda kaddib markii uu Mourinho bannaanka dhigay ciyaartii Newcastle.

Manchester United ayaa iyaduna ka baxday cabsidii ka haysatay taam ahaanshaha Marcus Rashford, inkasta oo Solskjaer uu Khamiistii sheegay in uu dhaawac darteed u beddelay laacibkan daqiiqaddii 65aad.

Luke Shaw ayaa sidoo kale la filayaa in uu ciyaari doono kaddib jugtii kasoo gaadhay Granada ee sababtay in la beddelo, halka Pogba uu diyaar u yahay.

Tababarka United waxa  kale oo kusoo laabtay Alex Telles iyo Juan Mata oo u diyaar ah kulankan,  balse waxa ka maqan Anthony Martial oo dhaawac ah iyo Eric Bailly oo uu ku dhacay Fayraska Korona, halka Phil Jones uu wali bannaankiisa jiifo.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Tottenham Hotspur: Lloris; Aurier, Sanchez, Rodon, Reguilon; Hojbjerg, Ndombele; Son, Lo Celso, Lucas; Kane

Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; McTominay, Fred; Greenwood, Fernandes, Pogba; Rashford

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*