Hordhac: Real Madrid vs Osasuna – Los Blancos Oo Guul Qasab Ah U Baahan Si Ay Horyaalka Ugu Dagaallanto, Isbeddelada Zidane Samaynayo & Shaxaha Kulanka

Real Madrid ayaa u dagaallami doonta sidii ay ugu soo noqon lahayd jidka guusha iyo hoggaanka horyaalka LaLiga, marka ay caawa garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku martigeliso Osasuna.

Los Blancos ayaa Sabtidii waxay barbarro goolal la’aan ah wada galeen Real Betis, waxaana ugu xigtay Chelsea oo ay 1-1 ku kala baxeen lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Tababare Zinedine Zidane ayay kooxdiisu hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah ula wareegi doontaa haddii ay guuleysato caawa haddii Atletico oo galabnimada ciyaaraysa ay guuleysan weydo, halka ay ka baxsan doonaan Barcelona oo ay isku dhibco yihiin balse kaalinta saddexaad fadhida.

Osasuna ayaa iyaduna xilli ciyaareedkani uu u yahay mid aan habaar ku ahayn oo aanay halis badan daaqaynin, waxaanay fadhidaa kaalinta 11aad, waxaanay toban dhibcood ka sarreeyaan kooxda kaalinta 18aad fadhida ee khadka cas ku jirta.

Real Madrid ayaan alga badinin horyaalka LaLiga tan iyo bishii January, laakiin waxay galeen barbarro saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, taas oo ka joojisay in hoggaanka horyaalka ay si buuxda ula wareegaan. Laakiin kaalinta labaad oo ay ku jiraan iyadoo shan ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, iyo in Barcelona ay iska lumisay fursaddii ay hoggaanka ku qaban lahayd oo Granada ay ka takhalustay Khamiistii, ayaa Real Madrid ay ku dareemaysaa niyad-samaan, waxaana usii raacda in Barcelona iyo Atletico Madrid ay toddobaadka dambe ballansan yihiin oo midkood uu tartanka ka bixi doono.

Tartanka horyaalka LaLiga oo xilli ciyaareedkan aad loogu dagaallamayo, waxa kale oo hirdanka ku jirta Sevilla, laakiin kooxdan ayaa ku jirta naadiyada u hadhay Getafe.

Dhinaca kale, Osasuna ayaa Alfredo Di Stefano imanaysa iyadoo guul-darro 2-1 ah kala soo kulantay Celta Vigo Axaddii, waxanay 33kii ciyaarood ee LaLiga ee ay dheeshay ay guuleysatay 10 ka mid ah, 10 kale oo barbarro ah iyo 13 laga badiyey, taas oo kadhigan in ay haystaan 40 dhibcood kuna jiraan kaalinta 11aad.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Osasuna

Tartanka: LaLiga, kulamada 34aad

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano.

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Real Madrid waxa ka maqan kabtankeeda Sergio Ramos oo tababarka kusoo laabtay balse aan lagu soo darin liiska kooxda ee maanta uu shaaciyey Zidane. Waxa  kale oo dhaawac kaga maqan Ferland Mendy, Lucas Vazquez iyo Dani Carvajal,halka Federico Valverde uu ku jiro karantiil kaddib fayraska Korona oo ku dhacay.

Zinedine Zidane ayaa la filayaa in uu isbeddelo ku sameeyo safkiisa oo uu dhigto xiddigihiisa muhiimka ah, inkasta oo ciyaartanna ay tahay mid horyaalka u go’aamin karta, waxaana uu kasii fikiri doonaa kulanka Chelsea ee Arbacada.

Luka Mordric iyo Toni Kroos ayaa la saadaalinayaa in ay kaydka kusoo bilowdaan, halka Rodrygo Goes iyo Marco Asensio ay safka hore iman doonaan.

Dhinaca kale, Osausna ayay ka maqan yihiin Ruben Martinez iyo Inigo Perez, waxaase uu tababare Arrasate rajaynayaa in uu isbeddello ku sameeyo safkii uu kula ciyaaray Celta Vigo iyadoo uu keenay Jony iyo Roberto Torres.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Nacho, Militao, Varane; Odriozola, Casemiro, Isco, Marcelo; Rodrygo, Benzema, Asensio

Osasuna: Herrera; Jonas, U. Garcia, Roncaglia, Cruz; Oier, Moncayola, Brasanac; Jony, Budimir, Torres

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*