HORDHAC: Real Madrid vs Liverpool – Zidane Iyo Klopp Oo Madaxa Iskula Jira, Shaxda Macquulka Ah & Xogaha Kulanka

Laba kamida kooxaha ugu guulaha badan taariikhda UEFA Champions League ayaa caawa fooda is-daraya marka ay Real Madrid garoonkeeda Alfredo Di Stefano kusoo dhawaynayso dhigeeda Liverpool kulanka lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka tartankaas.

Madrid oo 13 jeer kusoo guuleysatay koobka ayaa isku dayi doonta inay caawa natiijo faa’ido ah kasii hesho Liverpool kahor kulanka lugta labaad ee 14-ka bishan ka dhacaya Anfield.

Real Madrid vs Liverpool FC: Uefa Champions League prediction, TV channel, team news, live stream, h2h results | Evening Standard

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Real Madrid ayaa uu kulankan ka maqan yahay kabtankeeda ahna daafaca dhexe ee Sergio Ramos oo dhaawac canqawga ah qaba, sidoo kale waxa seegaya daafaca midig ee Dani Carvajal.

Si lamid ah Ramos iyo Carvajal, waxa ka maqan liiska xiddigaha uu Zidane usoo xushay ciyaartan garabka weerar ee Eden Hazard kaas oo tababarka si fiican u qaadanayay dhawaanahan balse uu kulankani yahay mid deg-deg ku ah.

Raphael Varane oo la nasiyay kulankii Sabtidii ee Eibar ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqon doono shaxda, sidoo kale Toni Kroos iyo Vinicius ayaa kusoo bilaaban doona iyadoo Zidane shaxda 3,5,2 ku dagaal gali doono.

Dhinaca Liverpool Klopp ayaa haysan doona saf lamid ah kii uu kaga hortagay Arsenal iyadoo ay hubaal maqnaan doonaan Jordan Henderson, Virgil Van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip.

Jota ayaa bedel ku yimid kulankaas isaga oo laba gool dhaliyay, waxa adkaan doonta inuu markale keydka ku bilawdo iyadoo ay macquul tahay in Roberto Firmino uu meesha ka baxo.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Real Madrid: Courtois; Varane, Militao, Nacho; Vazquez, Modric, Casemiro, Kroos, Mendy; Vinicius, Benzema

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson; Thiago, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Jota, Mane

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Felix Brych (Germany)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*