Hordhac: Real Madrid vs Chelsea, Rikoodhada Kulamadoodii Hore, Xogta Tuchel Ee Madrid Iyo Shaxaha Macquulka

Real Madrid iyo Chelsea ayaa caawa ku ballansan lugta hore ee semi-finalka tartanka Champions League oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Madrid, waana ciyaar xamaasad gaar ah uu u sameeyey khilaafkii ka abuurmay tartanka fashilmay ee kooxaha waaweyni samaysteen ee Super League.

Los Blancos waxay wareeggii siddeedda 3-1 kusoo garaacday Liverpool, halka Chelsea ay dirqi kaga soo badbaadday FC Porto oo ay kusoo dhufatay 2-1 isku-darka natiijadii labada lugood.

Kooxda martida loo yahay ayaa ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka ee horraantii toddobaadkan, waxay soo gashay barbarro niyad-jab ah oo ka joojiyey in ay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga la wareegto, laakiin Chelsea ayaa guul kasoo gaadhay West Ham, iskuna ballaadhisay kaalinta saddexaad ee miiska kala-saraynta Premier League.

Florentino Perez oo cadow badan ku yeeshay Super League oo uu guddoomiye u noqday, kana mid ahaa maskaxihii ka dambeeyey, ayaa garoonka fadhiyey ciyaartii Sabtidii ay kooxdiisu barbarraha la gashay Betis, taas oo u ahayd natiijo aanu jeclaysan iyadoo waliba la qabtay kooxdii ka horreysay ee Atletico, ayna soo badisay Barcelona oo hoggaanka la wareegi karta marka ay ciyaarto kulanka baaqiga u ah.

Ka sokow hadal-hayntii saamaynta yeelatay ee ahayd in UEFA ay labadan kooxood ka caydhinayso Champions League, kulanka ayaa ugu dambayntii dhacaya waxaana Real Madrid ay raadinaysaa in ay u gudubto finalka isla markaana ay markeedii 14aad hanato koobka Champions League.

Los Blancos ayaan laga badin 17 ciyaarood oo xidhiidh ah oo dhamaan tartamada ah, waxaanay sida Chelsea oo kale muujinaysay difaac heerkiisu sarreeyp/

Dhinaca kale, Chelsea ayaa wacdaro ka dhigaysay garoomada, cudud iyo awoodna soo bandhigaysay intii uu tababare Thomas Tuchel shaqada hayay, iyadoo waliba ay u raacday in dhamaystirkii xumaa ee afka hore uu ku xalliyey ciyaartoydiisa kala duwan oo isku rogay dhaliyeyaal.

Chelsea oo sidoo kale joogta finalka FA Cup oo ay isku diyaarin doonto kaddib kulanka Real Madrid, waxay sannadkan soo afjartay inkaartii ka haysatay wareegga 16ka oo ay ku hadhi jirtay sannadihii ugu dambeeyey, waxaana ugu dambaysay in ay semi-finalka timaaddo sannadkii 2014, halka Champions League na ay qaadday xilli ciyaareedkii 2011-12.

Kulamadii ay hore u wada ciyaareen labada kooxood

Real Madrid iyo Chelsea saddex jeer oo kaliya ayay hore u wada ciyaareen, waxaana saddexdaba ay kooxda reer Spain awoodi weyday in ay guul hesho. Laba jeer waxa badisay Chelsea, marka saddexaadna waxay galeen barbarro sannadkii 1971.

Peter Osgood ayaa ahaa geesiga Chelsea ee markii ay Real Madrid ku garaaceen finalka koobkii la odhan jiray European Cup Winners’ Cup xilli ciyaareedkii 1970-71. Labada kooxood ayay iskugu dambaysay sannadkii 1998kii oo ay ku kulmeen EUEFA Super Cup oo Chelsea ay ku badisay 1-0, waxaana goolkaas u dhaliyey Gus Poyet.

Rikoodhka Tuchel ee Real Madrid

Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel waligii ma guul-darraysanin ciyaar uu ku waajahay Real Madrid, waxaana afar mar oo uu ka hor tegay Los Blancos isagoo tababare ah uu lahaa gacanta sare ama uu barbarro uu helayay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Chelsea

Tartanka: Semi-finalka Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Warka weyn ee Real Madrid ay heshay ayaa waxa uu yahay in uu usoo laabtay Eden Hazard oo ka hor tegaya kooxdiisa hore ee Chelsea, iyadoo ciyaartii u dambaysay ee Betis na uu beddel kusoo galay.

Waxa kale oo usoo noqday Toni Kroos oo saddex ciyaarood  dhaawac ku maqnaa, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Luka Modric iyo Casemiro uu ka garab ciyaari doono oo uu kaydka u degi doono Isco.

Federico Valverde ayaa wali ku jira karantiil kaddib Korona Fayras ku dhacay. Waxa kale oo dhaawacyo ku maqan, Sergio Ramos, Lucas Vazquez iyo Ferland Mendy.

Chelsea ayaa waxa iyagana ka maqan Mateo Kovacic oo kaliya, isla markaana afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey u jiifay dhaawac, taas oo ka dhigan in aanu ka hor tegaynin kooxdiisii hore.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Militao, Nacho; Casemiro, Kroos, Modric; Asensio, Benzema, Vinicius

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Jorginho, Kante, Chilwell; Mount, Werner; Havertz

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

  1. Kaa Havertz la yidhaahdo haddii lagu soo bilaabo wuu la dagi doonaa kubad ma dhigo pressing ma sameeyo garoonkuu dhex wareegaa waxba ma qabto ku bado nasiiba oo helo marar ayuu dhaliyaa assit ma sameeyo sida Kevin oo kale kaasi dhibaato weyn ayuu usoo jeediyaa ciyaaro badan oo la ciyaarsiiyey marna walaga badiyaa marna barbaro ayey galaan kovacic ayaa dhaama kaa waa flop

  2. Ciyaaar xiiso iyo xamaasad leh real madrid iyo chalsea waxan ku rajo waynahay marki 14 aad koobka inaad qaadno viva los blancos cad cadka💪

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*