Hordhac: Real Madrid vs Barcelona – Shaxaha Adag Ee Labada Kooxood, Kooxda Guulaha Badan & Xiddigaha Waa Weyn Ee Maqan Caawa

Mid Ka mid ah kulamada ugu waa weyn kubada cagta caalamka ayaa caawa ka dhawaca caasimada Spain marka ay Real Madrid soo dhaweyso Barcelona kulankii ugu danbeeyay ee El Clasico.

Los Blancos ayaa haatan kaalinta 3aad kaga jirta kala sareynta horyaalka iyagoo labo dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta labaad ee Barcelona kuwaasoo iyagana dhibic ka dnabeeya kooxda hogaanka heysay ee Atletuco Madrid iyadoo sagaal kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka.

MAXAA KA CUSUB?

Madrid waxaa mar kale ka maqnaan doona kabtankooda Ramos oo dhaawac kubka ah qaba halka ciyaartaan uu sidoo kale seegi doono Dani Carvajal oo isna ka soo kabsanaya dhaawac bowdada ah.

Varane ayaa isna diyaar aheyn ka dib markii uu ku dhacay Korona Fayras halka Eden Hazard laga saaray kooxda inkastoo uu horumar ka sameeyay ka soo kabsashadiisa dhaawicii muruqa ee uu qabay.

Waxaa jirta fursad weyn oo uu Zidane ku soo xulan karo shax la mid ah tii uu kala hortagay Liverpool iyado Asensio uu kula biirayo weerarka Vinicius Jr iyo Benzema.

Federico Valverde ayaa noqon kara xiddig isagana lagu kordhiyo khadka dhexe laakiin xiddiga reer Uruguay dhawaan uun ayuu ka soo laabtay dhaawac sidaasi darteed waxay u badan tahay inuu kursiga keydka fadhin doono.

Dhanka Barcelona Philippe Coutinho iyo Ansu Fati ayaa weli dhaawacyo jilibka ah uga maqan halka goolhayaha labaad Neto uu isna la dhibtoonayo dhaawac canqowga ah.

Gerard Pique ayaa talaabo weyn u qaaday inuu ka soo kabsado dhaawac jilibka ah, waxaana la filayaa inuu kursiga keydka ku soo bilowdo. Haddii ay taasi dhacdo waxay la micno tahay in Oscar Mingueza, Frenkie de Jong iyo Celement Lenglet inay mar kale noqon doonaan seddexda daafac danbe.

Sergi Roberto ayaa sida Pique lagu soo daray kooxda laakiin xiddiga reer Spain lama filayo inuu ka soo muuqdo shaxda iyadoo Sergino Dest uu sii ceshan doono booskiisa daafaca midig ama garabka midih.

Lama filayo isbedelo lagu sameeyo dhanka weerarka iyadoo Dembele uu weerarka ku wehlin doono Antoine Griezmann iyo Messi.

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo di Stefano Stadium

Garsoore: Gil Manzano

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Vazquez, Militao, Nacho, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Asensio, Benzema, Vinicius

Barcelona (3-4-3):  Ter Stegen; Mingueza, De Jong, Lenglet; Dest, Pedri, Busquets, Alba; Griezmann, Messi, Dembele

MA OGTAHAY?

181 kulan oo horyaalka La Liga ah ayay iska horyimaadeen labadaan kooxood taariikhdooda, Madrid ayaa badisay 74 kulan oo ka mid ah halka Barcelona ay badisay 72 kulan, waxay barbaro galeen 35 kulan.

Los Blancos ayaa badisay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka iyagoo 3-1 ku badisay kulankii Camp Nou ee horaantii xilli ciyaareedkan, Barcelona ma aysan ku badinin garoonka Los Blancos tan iyo guushii 1-0 ee ay gaareen bishii March 2019.

Guud ahaan tartamada oo dhan, Madrid ayaa sidoo kale guulal badan iyadoo badisay 97 kulan halja Barcelona ay badisay 96 kulan laakiin kooxda Catalans ayaa badisay afar kulan islamarkaana barbaro gashay labo halka laga badiayy labo kulan sideedii kulan ee ugu danbeysay ee labada kooxood.

Messi ayaa ah hogaamiyaha gooldhalinta kulanka El Clasico iyagoo dhaliyay 26 gool oo ay ku jirto 18 uu ka dhaliyay kulamada horyaalka La Liga, halka Benzema uu El Clasico ka dhaliyay sagaal gool oo lix ka mid ah ay tahay La Liga.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*