Hordhac: Newcastle vs Arsenal – Gunners Oo Raadinaysa Guul Kaddib Saddex Kulan Oo Niyad-jab Ah Iyo Newcastle Oo Haysata Xiddigihii Jabiyey City & Liverpool

Arsenal ayaa u tegaysa Newcastle United iyadoo raadinaysa in ay kusoo noqoto jidka guusha kaddib saddex ciyaarood oo ay niyad-jab kusoo jireen, kuwaas oo laba laga badiyey midna ay barbarro galeen.

Labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa waxa Arsenal ka badiyey Everton oo 1-0 ku garaacday iyo Villarreal oo lugta hore ee semi-finalka Europa League kaga adkaatay 2-1.

Mikel Arteta oo ay kooxdiisu rajo la’aan ka tahay tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka dambe, waxa fursadda kaliya ee ay ugu soo laaban karayaan Champions League ay tahay in ay ku guuleystaan Europa League, taas darteed ayuu Mikel Arteta ciyaartoydiisa muhiimka ah ugu sii kaydsan karaa kulanka Villarreal ee Khamiista toddobaadkan.

Maadaama aanay rajo badan ka lahayn horyaalka Premier League oo ay kaalinta 11aad kaga jiraan, waxay awooddooda iskugu geynayaan Europa League.

Laakiin Newcastle United oo kulamo waaweyn dhibco kasoo heshay usbuucyadii ugu dambeeyey, ayaa waxay iyaduna doonaysaa guul ay sare ugaga soo kacdo kaalinta 17aad ee ay kaga jirto horyaalka, si ay uga badbaado khatar ah in ay dib ugu noqot heerka labaad.

Newcastle ayaa sagaal dhibcood ka sarreysa Fulham oo 18aad fadhida, waxaana saddex dhibcood oo Newcastle ay ka hesho Arsenal ay u xaqiijin doonaan in ay horyaalka Premier League kusii jirayaan xiilli ciyaareedka dambe.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Newcastle vs Arsenal

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 4pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka:  St James’ Park.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu isbeddelo badan ku sameeyo safkii uu Khamiistii kula ciyaaray Villarreal. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kusoo bilaaban kara kaddib markii uu taam ahaansho buuxa kasoo noqday xanuun uu toddobaadyo u jiifay, waxaana safka hore kala soo muuqan kara Hector Bellerin.

Allan Saint-Maximin iyo Callum Wilson ayaa Newcastle United taam u ah oo rajaynaya in sidii Liverpool iyo Man City oo kale ay dhibaato ku abuuraan Arsenal. Joe Willock Arsenal ay amaah ku siisay Newcastle ayaa goolal usoo dhaliyey kooxdan saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, laakiin looma ogola in uu ka hor yimaaddo naadigiisa Gunners.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Newcastle United: Dubravka; Fernandez, Clark, Dummett; Murphy, Shelvey, Longstaff, Ritchie; Almiron, Saint-Maximin; Wilson

Arsenal: Ryan; Bellerin, Luiz, Gabriel, Cedric; Elneny, Ceballos; Willian, Smith-Rowe, Martinelli; Aubameyang

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*