Hordhac: Liverpool vs AC Milan – Rikoodhada Ay Kala Haystaan, Dagaallada Qarniga Ah Ee Usoo Dhexeeyey Iyo Shaxaha Caawa

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda ku qaabbilaysa Anfield, waana isku-dhaca laba quwadood oo waqtiyada qaarkood adduunyada haysan jiray laakiin ay midkood wali dunsan tahay, tan kalena soo noolaatay sannado ka hor oo ay bilowday inay kusoo noqoto jidka guulaha.

Kulanka caawa  oo ay ku-celiska finaladii Champions League ee sannadihii 2005 iyo 2007 oo midkoodba ay hal mar badisay koobkana qaadday.

Liverpool vs AC Milan

Reds ayaa raadinaya inay ku guuleysato Champions League markeedii toddobaad halka AC Milan oo sannadihii ugu dambeeyey xaalado aan fiicnayn kusoo jirtay ay u dagaallamayso in markii siddeedaad ay ku guuleysato koobkan.

Rikoodhada iyo taariikhaha cajiibka ah ee labada kooxood isla soo mareen

  • Liverpool iyo AC Milan laba jeer oo kaliya ayay hore ugu kulmeen tartanka naadiyada Yurub, waxaanay labada jeer ba ahaayeen final Champions Leagu eah. Sannadkii 2005 waxa rikoodheyaal 3-2 ah ku badisay Liverpool, iyadoo ciyaartaas na illaa hadda la xasuusan yahay sidii ay Liverpool uga  daba timid AC  Milan oo saddex gool la hormartay balse qaybtii dambe ay Reds toban daqiiqadood ku keentay saddexdaas gool. Kulanka labaadna waxa uu ahaa finalkii Champions League ee 2007 oo AC Milan ay 1-2 ku badisay, koobkana ku qaadday.
  • Kaddib markii ay ku guuleysatay lix ka mid ah toddobadii ciyaarood ee  ay garoonkeeda kula dheeshay (Lix badis ah iyo maar  laga badiyey), Liverpool waxa u beddelay laba kulan oo ay guulo la’aan ahaayeen waxaana mar 2-0 kaga badisay Atalanta halka ay barbarro 1-1 ah la galeen Napoli.
  • AC Milan muddooyinkii dambe waxa ka awood badnaaday kooxaha Ingiriiska, 13-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxo Ingiriis ah ay iska hor yimaaddeenn kaliya hal mar ayay badisay iyadoo Arsenal kaga badisay 4-0 February 2012. Kulamada kale, 8 ayaa laga badiyey, afar bnabarbarro ayay gashay.
  • AC Milan laba mar oo kaliya ayay guuleysatay siddeeddiiciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartamada Yurub, iyadoo laba laga badiyey afarna ay barbarreeyeen. Laakiin xilli ciyaareedkan ayaa u ah markii u horreysay ee ay kasoo Champions League tan iyo March 2014, markaas oo ay Atletico Madrid ku reebtay wareeggii 16ka.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs AC Milan

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska  Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa  dhaawac kaah ciyaaryahannada Roberto Firmino, Nico Williams iyo Harvey Elliott laakiin Klopp ayaa rajaynaya in laacibka reer Brazil uu soo kabto, hase yeeshee Diogo Jota ayaa hoggaamin doona weerarka  Reds.

Jordan Henderson oo la nasiyey ciyaartii Leeds United ayaa kusoo bilaaban doona booskii uu banneeyey Elliott, sidoo kalena Alisson iyo Fabinho ayaa ahaandoona xiddigaha lama taabtaanka  ah.

Gool uu Sadio Mane dhaliyo caawa, waxa uu u noqon doonaa midkiisii 20aad ee tartankan, waxaana uu sidaas ku noqon doonaa ciyaartoygii afraad ee Afrikaan ah ee  ugu goolasha badnaa Champions League, kaliya Mohamed Salah, Samuel Eto’o iyo Didier Drogba ayaa ka horreynaya.

Dhinaca AC Milan, Olivier Giroud ayaa kasoo kabtay Fayraska Korona oo ku dhacay, waxaana uu kusoo bilaaban doonaa  safka  hore maadaama uu dhaawac ku maqan yahay Abrahimovic waxaana caawin doona Ante Rebic.

Shaxaha Macquulka ah ee labada kooxdood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Jota, Mane

AC Milan: Maignan; Calabria, Tomori, Romagnoli, Hernandez; Kessie, Tonali; Florenzi, Diaz, Leao; Rebic

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*