Hordhac: Inter Milan vs Real Madrid – Rikoodhka Benzema, Khatarta U Weyn Ee Inter Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Inter Milan ayaa garoonkeeda waxay caawa ku qaabbilaysaa Real Madrid, kulan ay ku midoobayaan naadiga difaacanaya horyaalka Talyaaniga iyo kooxda ugu guulaha badan tartanka Champions League.

Waa xilli ciyaareedkii labaad ee xidhiidh ah ee ay labadan kooxood isku Group noqdaan, waxaanay sidan oo kale  dhacday xilli ciyaareedkii hore oo ay ku wehelinaysay kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk, waxaana  labadii kulan ba ee minanka iyo martidaba badisay Real Madrid, iyadoo magaalada Milan kasoo heshay libin 2-0 ah.

Inter vs Real Madrid

Inter Milan oo ay ugu dambaysay hanashada  Champions League xilli ciyaareedkii 2009-10, waxay wareegga hore ee Group-yada kasoo gudubtay laba  jeer oo kaliya intii waqtigaas kadambaysay, halka ay tartankana kasoo qayb-gashay shan jeer.

Nerazzurri oo sannadihii u dambeeyey ay awooddeedu sare  usoo kacaysay waxay xilli ciyaareedka  ku bilaabatay qaab xooggan iyadoo 4-0 ku tuntay Genoa ciyaartii koowaad ee xilli ciyaareedkan ka hor intii aanay 3-1 ku jiidhin Hellas Verrona, laakiin waxa toddobaadkii hore barbarro ku qabatay Sampdoria oo ay ku kala baxeen 2-2.

Real Madrid  ayaa iyaduna raadinaysa inay markeedii 14aad ku guuleysato Champions League oo hanashadiisa ay ugu dambaysay xilli ciyaareedkii 2017-18, haddana waxay ku jiraan kooxaha loo saadaalinayo iyadoo uu hormood u yahay tababaraha khabiirka ah ee Carlo Ancelotti.

Kooxda reer Spain waxay xilli ciyaareedkii hore kaalinta koowaad kaga soo baxday hormadeeda iyadoo ka horreysay Inter Milan iyo Shakhtar, wareeggii 16-ka iyo siddeeddana waxay kusii garaacday Atalanta iyo Liverpool ka hor intii aanay Chelsea isku helin semi-finalka oo lagaga badiyey isku-darka  labada lugood 3-1.

Kulankii horyaalka LaLiga ee Axaddii oo ay ku ciyaartay garoonka Santiago Bernabeu oo muddo 18 bilood ah xidhnaa, dibna loo dhisayay, waxay ku samaysay dhoolatus 5-2 ah, waxaana saddexlay u dhaliyey Karim Benzema halka labada kalena ay ku dareen Vinicius Junior iyo Eduardo Camavinga, iyagoo sidaasna ku qabtay hoggaanka.

Carlo Ancelotti oo ahaa tababarihii xilli ciyaareedkii 2013-14 u qaaday Champions League, waxa uu markanna hoggaaminayaa naadi dhallinyaro iyo waayo-arag iskugu jira oo uu kalsooni ku qabo.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Inter Milan vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Giuseppe Meazza

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Inter Milan waxa uu shaki ku jiraa inay helayso difaaca Alessandro Bastoni oo dhaawac muruqa  ah qaba, waxaase taam ah Dimarco oo kusoo garab bilaaban doona Stefan De Vrij iyo Milan Skriniar, halka Matteo Darmian iyo Ivan Perisic la filayo inay garbaha ka ciyaaraan.

Inzaghi lama filayo inuu isbeddello badanku sameeyo safkii uu kula ciyaaray Sampdoria, waxaana kusoo bilaaban doona saddexda khad dhexe ee Nicolo Barella, Marcelo Brozovic iyo Hakan Calhanoglu.

Edin Dzeko ayaa la  filayaa inuu hoggaamiyo weerarka iyagoo iska garab ciyaaraya Joaquim Correa, halka uu Lautaro Martinez yahay khatarta ugu weyn ee Madrid ay waajahayso.

Dhinaca Real Madrid, Carlo Ancelotti waxa dhaawac kaga maqan Gareth Bale, Toni Kroos, Ferland Mendy, Dani Ceballos iyo Marcelo taas oo ka dhigan in uu 20-jirka Miguel Gutierrez kusoo bilaaban doono difaaca  bidix.

Karim Benzema ayaa u baahan hal gool oo kaliya si uu u dhaafo rikoodhkii Raul Gonzalez ee gool-dhalinta Champions League una  noqdo ciyaartoyga shanaad ee ugu goolasha badan taariikhda tartankan, isaga oo ku xigaya Ronaldo, Messi iyo Lewandowski.

Shaxaha Macquulka ah ee labada kooxood

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Dimarco; Darmian, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Perisic; Martinez, Dzeko

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Nacho, Gutierrez; Valverde, Casemiro, Modric; Hazard, Benzema, Vinicius Jr

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*