Hordhac: Chelsea vs Man City – Semi-finalka FA Cup, Dagaalka Pep & Tuche, Rikoodhka Blues & City Iyo Wararkii U Dambeeyey

Riyooyinka ah in ay ku wada guuleystaan koobab maxalli ah iyo mid Yurub ah ayaa caawa kasoo dhamaan doona Chelsea ama Manchester City marka ay labadan kooxood caawa isku haleelaan garoonka Wembley Stadium oo ay finalka FA Cup ku wada ciyaarayaan.

Labada kooxood ayaa usbuucii hore usoo gudbay semi-finalka Champions League iyagoo kasoo kala adkaaday FC Porto iyo Borussia Dortmund, waxaanu hadda dagaalku yaallaa dhexdooda, iyadoo koox waliba u halgamayso in ay u gudubto finalka FA Cup.

Chelsea ayaa u halgami doonta sidii ay gacanta sare u yeelan lahayd ee ay iskaga xaadirin lahayd Finalka FA Cup oo xilli ciyaareedkii hore ay Arsenal koobka ka qaadday, halka Man City ay dhibbane usoo noqotay isla Arsenal oo kusoo reebtay dhexda isla xilli ciyaareedka hore.

Laakiin markan labadoodda ayaa  midkood u gudbi doonaa finalka iyadoo ay ballami doonaan Leicester City ama Southampton midkooda soo gudba Axadda.

Blues ayaa wareegyadii hore ee FA Cup waxay kusoo jiidhay Luton Town, Barnsley iyo Sheffield United, waxaana haddii ay usoo gudubto finalka ay noqon doontaa afraad ee shan sannadood gudahood ay yimaaddaan ciyaarta ugu dambaysa, iyadoo xilli ciyaareedkii 2018-19 oo kaliya aanay imanin oo ay Manchester United ka reebtay.

Waxa kale oo ay Chelsea u noqon doontaa markii 15aad ee ay finalka FA Cup timaaddo, waxaana kaliya ka badan Arsenal oo 21 sannadood finalka timid iyo Manchester United oo 20 jeer timid.

Dhinaca kale, Manchester City oo horyaalka Premier League isku diyaarinaysa waqtigii loo caleemo saari lahaa ayaa hore u joogtay finalka Carabao Cup oo ay wada ciyaari doonaan Tottenham, halka ay Champions League taagan tahay semi-finalka oo ay PSG ballansan yihiin dhamaadka bishan.

In City ay usoo gudubto finalka FA Cup, waxay uga dhignaan doontaa in ay u dhow yihiin in ay ku guuleystaan dhamaan koobka maxalliga ah iyo kuwa Yurub intaba, laakiin tallaabada u horreysa ayaa ah in ay caawa kasoo tallaabsadaan Chelsea inta aanay u jeedsanin kuwa xiga.

Man City ayaa hal mar oo kaliya gaadhay finalka FA Cup siddeedii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana markaas koobka kaga guuleysatay Arsenal oo ku garaacday 2-0.

Rikoodhka kulamadii hore ee labada kooxood

Kulanka caawa ayaa ah markii 167aad ee ay labadan kooxood ee Chelsea iyo Man City ku kulmaan tartamada oo dhan, waxaana gacanta sare lahayd kooxda ka dhisan caasimadda London oo badisay 68 ciyaarood, halka Man City ay 59 kulan badisay, inta kalena waxay ku kala baxeen barbarro.

Sidaas oo ay tahay, sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxa toddoba ka mid ah guuleysatay Man City, waxaana ugu dambaysay ciyaartii bishii January ee horyaalka Premier League ee Stamford Bridge oo ay 3-1 kusoo garaaceen Blues.

Labada kooxood ayaa tartanka FA Cup ku kulmay xilli ciyaareedkii 2015-16, waxaana la xasuuqay City oo lagu garaacay 5-1 wareeggii shanaad ee tartankana lagu reebay. Laakiin Chelsea ayaa saddex jeer lagu garaacay Wembley Stadium, waxaana xasuustii ugu dambaysay ay ahayd rikoodheyaashii ay City sannadkii 2019kii kaga qaadday tartanka Carabao Cup / EFL.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Manchester City

Tartanka: FA Cup – Semi-final

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Wembley Stadium

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Thomas Tuchel ayaa sadqeeyey kulankii Champions League ee FC Porto laacibka khadka dhexe ee Mateo Kovacic oo dhaawac muruqa ah uu ku habsaday xiiligii tababarka, waxaanu ka maqan yahay ciyaartan. Sidoo kale waxa dhaawac muruqa ah ku maqan difaaca Andreas Christensen.

Laakiin waxa usoo laabtay N’Golo Kante oo taam ah, kana garab ciyaari doona Jorginho, halka difaaca reer Brazil ee Thiago Silva uu taam yahay, si la mid ahna Christian Pulisic, Kai Havertz, Mason Mount iyo Timo Werner ayaa doonaya in ay isku muujiyaan kulankan.

Dhinaca City, waxa dhaawac kaga maqan Sergio Aguero oo aan ciyaartan joogin, waxaase kooxda usoo laabtay dhamaan ciyaartoydeedii kale sida Laporte iyo John Stones.

Ma jiraan wax dhaawacyo ah oo Pep Guardiola uu ka walaacsan yahay.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood:

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Jorginho, Kante, Alonso; Mount, Werner; Havertz

Manchester City: Steffen; Walker, Dias, Laporte, Cancelo; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Mahrez, Jesus, Foden

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*