Hordhac: Barcelona vs Athletic Bilbao – Finalka Copa del Rey, Midka Guulo Badan 2da Kooxood Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Labada kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda tartanka Copa del Rey ayaa caawa isku haleelaya finalka xilli ciyaareedkan ee tartankan, waana Barcelona iyo Athletic Bilbao.

Athletic ayaa timid finalka Copa del Rey ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana kaga guuleysatay Real Sociedad, laakiin waxay hore u qaadday 23 jeer koobkan waxaana kaliya ka badan Barcelona oo ku guuleysatay 30 jeer, waxaanay labadoodu yihiin kooxaha tirada ugu badan ku guuleystay taariikhda koobkan.

Kooxda ka dhisan gobolka Basque ee Athletic oo ah naadiga labaad ee ugu guulaha badan ayaa waxay Barcelona iska hor yimaaddeen finalkii 2014-15 waxaana 3-1 ku adkaatay Barcelona oo koobkana ku qaadday garoonkeeda Camp Nou, halka ay sidoo kale Barcelona koobka qaadday xilli ciyaareedyadii 2011-12 iyo 2008-09.

Dhinaca kale, Barcelona oo 30 jeer koobka qaadatay ayaa markii ugu dambaysay ee ay hanato waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii 2017-18, waxayse xilli ciyaareedkan u dhaarsan yihiin sidii ay koobkan gacanta ugu dhigi lahaayeen maadaama ay kasoo hadheen Champions League, lagana qaaday Spanish Super Cup, isla markaana horyaalka ay illaa maalinta ugu dambaysa isku dhegsanaan doonaan Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Kooxda reer Catalonia ayaa kulankani u imanayaa iyagoo niyad-jab kasoo gaadhay ciyaartii ugu dambaysay oo Real Madrid ay ku garaacday 2-1, una degtay kaalinta saddexaad ee horyaalka, laakiin in ay koobkan qaadaan waxa uu usoo noolaynayaa niyaddooda.

Barca waxay wareegyadii hore kusoo garaacday Cornella, Rayo Vallecano, Granada iyo Sevilla oo ahayd wareeggii siddeedda oo ay guul soo laabasho ah ka gaadheen.

Tababare Ronald Koeman ayaa kulanka caawa ka hor, waxa uu sii ogsoon yahay in kooxdiisu ay labadii kulan ee horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkan ay garaaceen Athletic Bilbao, laakiin iyaguna ay guul-darro kala kulmeen kooxdan semi-finalkii Spanish Super Cup ee bishii January.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Athletic Bilbao vs Barcelona

Tartanka: Finalka Copa del Rey

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio de La Cartuja

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Athletic Bilbao waxa ka maqan Peru Nolaskoain, Yuri Berchiche, Yeray Alvarez iyo Oier Zarraga oo dhamaantood dhaawac ah, waxaase taam ah laacibiinta waaweyn ee Iker Muniain, Raul Garcia iyo Inaki Williams.

Barcelona ayaa kaliya ay ka maqan yihiin saddexda ciyaartoy ee Phillipe Coutinho, Ansu Fati iyo goolhaye Neto, waxaana usoo laabtay Gerard Pique oo rajaynaya in uu kusoo bilowdo.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Athletic Bilbao: Simon; De Marcos, Nunez, Martinez, Lekue; Berenguer, Vencedor, D Garcia, Muniain; R Garcia, Williams

Barcelona: Ter Stegen; De Jong, Pique, Lenglet; Dest, Busquets, Pedri, Alba; Griezmann, Messi, Dembele

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*