Hordhac: Arsenal vs Liverpool – Kulanka Rajada Ee Labada Kooxood, Rikoodhka Xun Ee Reds U Yaala Emirates Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dib usoo laabtay kaddib toddobaad uu ku jiray fasax oo la ciyaarayay isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaana jamaahiirtu ay maanta helayaan kulamo adag, iyadoo garoonka Emirates Stadium ay ku ballansan yihiin Arsenal iyo Liverpool.

Labada kooxood ayaa uu xilli ciyaareedkani u ahaa mid xun iyagoo ku kala jira kaalmaha sagaalaad iyo toddobaad, waxaanay Mikel Arteta iyo Jurgen Klopp mid walba uu si xun ugu baahan yahay saddexda dhibcood ee kulankan si ay usoo nooleeyaan rajadooda ay kaga soo muuqan karayaan tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka dambe.

Guul-darro ku timaadda Arsenal, waxay halis gelin doontaa in ay u dhacdo badhtamaha miiska kala-sarraynta ee horyaalka oo ay waliba usii dhaafi karto qaybta hoose, halka wax kasta wax kasta oo aan ahayn guul ay Liverpool si dhab ah uga tirtiri doono rajadii ahayd in ay Champions League ka  qayb-gasho xilli ciyaareedka dambe, fursadda kaliya ee ay fagaareyaasha Yurub ku iman karaanna ay noqon doonto in ay ku guuleystaan Champions League xilli ciyaareedkan.

Rikoodhka kulamadoodii hore

  • Ciyaarta Sabtida ee maanta waxay tahay markii 233aad ee ay labada kooxood iskaga hor yimaaddaan dhamaan tartamada, waxaana kooxda martida loo yahay ee ka dhisan caasimadda London ee Arsenal ay guuleysatay 81 jeer halka Liverpool ay 90 ciyaarood guushu raacday.
  • Labada kooxood ayuu xafiiltankoodu soo bilowday sannadkii 1983kii oo ahayd markii la aas-aasay.
  • Isu-geynta 166 gool ayay labada kooxood kala-dhaliyeen kulamadii horyaalka Premier League, waxaana tan iyo sannadkii 1992kii goolasha ugu badan laga dhaliyey Liverpool.
  • Kooxda horyaalka difaacanaysa waxay soo guuleysatay laba jeer oo kaliya 20kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee martida u noqotay Arsenal, laakiin Roberto Firmino ayaa siddeed gool ka dhaliyey Arsenal 12kii ciyaarood ee uu ka hor tegay, waana ciyaartoygii ugu horreeyey ee tiro goolal intaas le’eg ka dhaliya kulamo sidan tiradoodu u yar tahay.

Xogta ciyaarta:

Kulanka: Arsenal vs Liverpool

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Taariikh: Sabti, April 3, 2021

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Emile Smith Rowe ayuu shaki ku jiraa in uu ciyaari doono kulankan kaddib dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa, sidoo kalena Bukayo Saka aya 50/50 ay xaaladdiisu tahay oo illaa khamiistii aan tababarka la qaadan kooxdiisa, halka David Luiz uu gebi ahaanba ciayartan ku maqan yahay dhaawac.

Dhinaca Liverepool, waxa dhaawacyo kaga maqan Jordan Henderson, Joel Matip, Joe Gomez iyo Virgil van Dij, laakiin Divock Origi iyo Roberto Firmino ayaa dib usoo laabtay.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Arsenal: Leno; Bellerin, Holding, Gabriel, Tierney; Partey, Elneny; Pepe, Odegaard, Aubameyang; Lacazette

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson; Fabinho, Wijnaldum, Thiago; Salah, Firmino, Mane

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*