Heshiisyada La Dhamaystiray Maanta, Kuwa Qarka Saaran, Go’aanka Messi, Real Oo Heshay Beddelka Varane Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa

PSG ayaa heshiis la gashay difaaca reer Moroco ee Achraf Hakimi oo ay €60 milyan oo Gini oo lagu daray €10 milyan oo kale oo ay dib ka  bixin doonto kagala soo wareegaysa Inter Milan. Laacibkan ayaa saxeexaya heshiis soconaya illaa June 2026. (Wariye, Fabrizio Romano)

Suuqa

Leicester City ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah ula soo wareegi doonta weeraryahanka kooxda Red Bull Salzburg ee Patson Daka oo ay ka bixinayso £23 milyan oo Gini. Laacibkan ayaa saxeexaya heshiis shan sannadood ah, waxaana kaliya dhamaystirka ka hadhay qodobbo sharci oo iyaguna dhamaad ku dhow. (Sky Sports)

Manchester United ayaa diiwaangelisay xiisaha ay u qabto laacibka khadka dhexe uga ciyaara Rennes ee Eduardo Camavinga. United ayaa toddobaadka dambe la kulmi doonta wakiilka laacibkan oo la rumaysan yahay inuu doonayo in uu sii joogo France oo uu tago PSG. (Wariye, Mohamed Bouhafsi)

Manchester United ayaa u bandhigtay Jesse Lingard heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo uu toddobaadkii mushahar ahaan ugu qaadanayo £130,000 Gini. (Daily Star)

Real Madrid ayaa u dhaqaaqaysa difaaca Leicester City ee Wesley Fofana, kaas oo ay u doonayaan beddelka Raphael Varane oo qarka u saaran inuu ku biiro Manchester United. (Fichajes)

Inter Milan waxay xidhiidh la samaysay wakiilka difaaca Arsenal ee Hector Bellerin, si uu ugu buuxiyo booska uu bannaynayo Achraf Hakimi oo kusii jeeda PSG. (Wariye, Di Marzio)

Lionel Messi ayaa heshiis laba sannadood ah u saxeexi doona Barcelona, toddobaadka dambe. Laacibkan oo uu heshiiskiisii hore ku egyahay Arbacada ayaa ogolaaday inuu sii joogo Camp Nou. (Wariye, Fabrizio Romano)

Aston Villa ayaa £40 milyan oo Gini dul-dhigtay weeraryahanka Chelsea ee Tammy Abraham. Blues ayaa diyaar u ah inay iibiso laacibkan, si ay lacagta ay ka hesho ay ugu adeegsato saxeexa Erling Haaland. (Standard)

Liverpool ayaa doonaysa weeraryahanka Bayern Munich ee Kingsley Coman. Laacibka reer France ayaa iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa. (Metro)

Tottenham waxay qarka u saaran tahay saxeexa xiddiga reer Japan ee Takehiro Tomiyasu oo u ciyaara kooxda Talyaaniga ah ee Bologna. 22 jirkan ayaa qiimihiisa lagu sheegay £15 milyan (Metro)

Barcelona waxay si rasmi ah u xaqiijisay, in laacibkeeda da’da yar ee Jean-Clair Todibo uu si rasmi ah uga tegay oo ay Nice hirgelisay qodob ku jiray heshiiskii amaahda oo dhigayay inay 8.5 milyan oo Euro ku iibsato. (Marca)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. waa si wanaagsan laakiin naadigayga Manchester city kuma arag halkan runtiina jack grealish iyo harry kane ban sugayey

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*