Halkee Ayuu Kaga Jiraa Liiska Xiddigihii Ugu Qaalisanaa Jadon Sancho Oo Saxeexiisa Ay Ku Dhawaaqday Manchester United

Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis la gaadhay xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ay kala soo wareegayso Borussia Dortmund oo iyaduna hore u xaqiijisay in laacibkeedan ay ka iibisay Manchester United.

United oo 21 jirkan saxeexiisa ku guul-darraysatay xagaagii hore, ayaa hadda xaqiijisay inuu ciyaartoygeeda yahay kaddib 73 milyan oo Gini oo ay u shubtay Borussia Dortmund.

Sancho 2

Sancho oo ku mashquulsan ciyaaraha xulka qarankiisa England ee ka qayb-gelaya Euro 2020, ayay Manchester United xaqiijisay inuu tijaabada caafimaadka mari doono marka uu soo dhamaado tartanka Euro oo ay wareegga siddeedda taagan yihiin.

Laacibkan ayaa Borussia Dortmund u saftay 104 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah, waxaanu u dhaliyey 38 gool iyo 51 kale oo uu caawiye uga noqday.

Sannadkii 2017 ayuu tegay horyaalka Bundesliga iyadoo ay Borussia Dortmund ka iibsatay Manchester City oo hadda heli doonta 10 milyan oo Gini maadaama heshiiskii ay ku iibisay uu ku jiray qodob dhigaya in City ay heli doonto lacag udhow boqolkiiba toban haddii ay Dortmund sii iibiso.

War-saxaafadeed ay Manchester United soo saartay ayay ku tidhi: “Manchester United waxay ku faraxsan tahay in ay shaaciso, inuu jiro heshiis mabda’ ah oo ay la gaadhay Borussia Dortmund oo ah iibka Jadon Sancho. Heshiiska ayaa dhamaystirmi doona marka uu soo dhamaado tartanka Euo ee uu ciyaartoygu maro tijaabada caafimaadka.”

Jadon Sancho ayaa noqonaya ciyaartoygii shanaad ee ugu qaalisanaa ee kooxaha Premier League iibsadaan, waxaana kaliya ka horreynaya Paul Pogba, Virgil van Dijk, Harry Maguire iyo Romelu Lukaku.

Halkan kaga bogo liiska 10kii ciyaartoy ee ugu qaalisanaa taariikhda Premier League

 

10. Angel Di Maria => Man United, (£67.5m, 2014)

9. Kevin De Bruyne => Man City, (£68m, 2015)

8. Kepa Arrizabalaga => Chelsea, (£72m, 2018)

7. Nicolas Pepe => Arsenal, (£72m, 2019)

6. Kai Havertz => Chelsea (£72m, 2020)

5. Jadon Sancho => Man United (£73m, 2021)

4. Virgil van Dijk => Liverpool (£76m, 2018)

3. Romelu Lukaku => Man United (£76m, 2017)

2. Harry Maguire => Man United (£78m, 2019)

1. Paul Pogba => Man United (£94m, 2016)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*