Hal Sawir Oo Kaliya: Hargreaves, Lescott Iyo Gardiola Oo Ka Hadlay Garsoorihii Xalay Ee Sawirka La Galay Erling Haaland

Octavian Sovre oo ahaa kaaliyaha garsooraha dhexe, isla markaana calanka uga hayay dhinaca ayaa dhamaadka ciyaartii Manchester City iyo Borussia Dortmund waxa uu u tegay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo uu ka dalbaday in uu sawir la galo.

Kulankan oo Manchester City ay 2-1 ku badisay ayuu Haaland caawiye ka ahaa goolkii uu kooxdiisa u dhaliyey Marco Reus daqiiqaddii 84aad ka hor intii aanu Phil Foden goolka guusha u keenin City daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta.

Kaamiryooyinka garoonka ayaa qabtay calan-wade Octavian Sovre oo la taagan Erling Haaland oo isaguna wax u saxeexaya, waxaana intaas kaddib laga wada qaaday hal sawir.

Falkan oo ka dhacay tuunalka garoonka marka laga baxo ee qolka lebbiska loo dhow yahay, waxa dhalliilay Owen Hargreaves iyo Joleon Lescott oo tilmaamay in uu yahay dhaqan aan looga baranin garsooreyaasha.

Hargreaves ayaa yidhi: “Qaybtii hore ayay waxyaabo badan khaldeen garsooreyaashu. Waad u noqon kartaan taageere Erling Haaland laakiin maaha ciyaartoyda kale hortooda.”

Lescott ayaa isaguna yidhi: “Ma ahayn waqtigii ku habboonaa ee ay taasi dhici lahayd, mana aha wax u fiican garsooreyaasha. Waa carruurnimo in waxyaabo noocaas ah laga arko.”

Dhinaca kale,, Pep Guardiola ayaa difaacay garsoore Octavian Sovre, waxaanu ku sheegay in ay suurtogal tahay in kaliya uu taageere u yahay, xumaan kalena aanay jirin, waxaanu yidhi: “Ciyaartoyda ayaa ii sheegay, anigu maan arkayn, waxaase laga yaabaa in uu taageere u yahay.”

Waxa kale oo uu Guardiola ka hadlay goolkii laga diiday Borussia Dortmund iyo rikoodhe ay ku doodeen, waxaanu tilmaamay in rikoodhe aanu jirin, sidoo kalena goolka laga diiday Dortmund ay garsooreyaashu ku saxsanaayeen.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*