“Haaland Waxa Uu Doonayaa…..” – Farriintii Kama Dambaysta Ahayd Ee Uu Wakiil Raiola U Sheegay Real Madrid Iyo Barcelona Oo La Ogaaday

Wakiilka masuulka ka ah weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland ee Mino Raiola ayaa lagu soo warramayaa inuu farriin muhiim ah oo la xidhiidha mustaqbalka xiddigiisa la wadaagay kooxaha ree Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Wargeyska Esport3 oo uu soo xiganayo Mundo Deportivo ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Haaland uu doonayo ka ciyaarista horyaalka La Liga iyo gudaha dalk Spain.

Haalandék Madridban és Barcelonában is tárgyaltak | Goal.com

Warbixinta ayaa sheegaysa in farriintaas uu Mino Raiola dhawaan gaadhsiiyay labada kooxood ee ugu waaweyn Spain isla markaana u sheegay in 20 sano jirka uu gadh-wadeenka ka yahay uu doonayo oo ay ka go’antahay ka ciyaarista horyaalka ay ka taliyaan.

Inta ay socdeen kulamadii uu Raiola la yeeshay Real iyo Barcelona ayaa sidoo kale lagu wargeliyay kooxahaas in dhaliyaha ree Norway heshiiskiisa Borussia Dortmund lagu daray qoddob ah in 75 Milyan oo euro lagula saxeexan karo suuqa xagaaga ee sanadka 2022.

Iyadoo xanuunka Korona Fayras oo saamayn dhaqaale oo baahsan ku yeeshay kooxaha kubadda cagta ayay u muuqataa in saxeexa Haaland oo ay xagaaga sanadkan 2021 Dortmund ku doonayso 180 Milyan oo euro uu yahay mid ay adkaan doonto in la sameeyo,

Intaas waxa dheer in ay jirto lacag 40 Milyan oo euro ah oo ay gaar u doonayaan wakiil Raiola iyo aabaha Erling Haaland oo heshiiska fududaynaya.

Raiola iyo Haaland ayaa sidoo kale lacag ku helay heshiiskii ay Borussia kula saxeexatay xiddiga iyadoo la xasuusto inay kamid ahayd sababihii ay Man United ku diiday heshiiskiisa wakhtigaas.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*