Guardiola: UEFA iyo FIFA Waxay Dilayaan Ciyaartoyda

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xidhiidhada kubadda cagta Adduunka ee FIFA iyo Yurub ee UEFA ku eedeeyey in ay dilayaan ciyaartoyga.

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa kulanka Borussia Dortmund ee wareegga siddeedda Champions League oo lugtiisa hore ay habeen dambe ku wada ciyaarayaan Etihad Stadium, waxaanu Pep Guardiola rajaynayaa in xilli ciyaareedkan ay u noqon doonto markii ugu horreysay ee kooxdani ay qaaddo Champions League.

Laakiin waxa uu Guardiola dareensan yahay in shaqada u taalla kooxdiisu ay dag tahay, sababtana waxa uu ku sheegay ciyaaraha tirada badan ee ciyaartoyda sugaya ee ay qaybta ka yihiin kulamada caalamiga ah.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Manchester, ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoydu ay yihiin binu-aadam oo aanay ciyaari karaynin usbuuc walba ugu yaraan laba kulan, waxaanu yidhi: “Iyagu waa binu-aadam e maasha mishiino.

“Ciyaartoyda qaarkood ayaa murugoodaan mar walba sababtoo ah waxay doonayaan in ay ciyaaraan maalin walba, taasina suurtogal maaha.

“Si dhamaan tartamada loogu loollamo sannadkan, iyadoo uu yahay xilli ciyaareedkii ugu gaabnaa abid, haddii aanad ciyaartoyda isku beddelin dhamaan tartamada, ma awoodaysid in aad soo gaadho halkan.

“Dabcan way ciyaari karayaan, waxay leeyihiin maskax cajiib ah, laakiin waxay u baahan yihiin in ay nastaan. UEFA iyo FIFA waxay dilayaan ciyaartoyda sababtoo ah ciyaaraha aadka u badan.”

Kulanka Manchester City ay ku qaabbilayso Borussia Dortmund ayaa uu sidoo kale ka hadlay, waxaase uu isagu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey mustaqbalka Erling Haaland, waxaanu yidhi: “Waan fahamsanahay in dadku ka hadlayaan Haaland. Waa weeraryahan cajiib ah, laakiin aniga iguma habboona in aan ka hadlo isaga.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*