Granit Xhaka Oo Si Carro Leh U Canaantay Daafacyada Arsenal Ka Dib Goolkii Laga Dhaliyay Waqtigii Dhimashada – Muxuu Ku Yiri?

Granit Xhaka ayaa aad u carooday ka dib markii Arsenal waqtigii dhimashada ciyaarta laga dhaliyay goolka barbaraha kulankii Europa League ee ay la ciyaareen xalay kooxda Slavia Prague.

Xiddiga khadka dhexe ee Switzerland ayaa si carro leh u canaantay daafacyada kooxdiisa kuwaasoo u ogolaaday Tomas Holes inuu madax ku dhaliyo goolka barbaraha daqiiqadii ugu danbeysay ee kulankii lugta 1aad ee wareega 8da Europa League.

Sida caadada ka noqotay Arsenal inta uu joogay tababare Mikel Arteta, Gunners ayaa isku dayaysay inay kubada gadaal ka soo ciyaaraan daqiiqadihii ugu danbeeyay.

Laakiin Cedric Soares iyo Gabriel Magalhaes waxay u muuqdeen kuwa baqaya taasoo keentay inay daqiiqadii 93aad koorno iska bixiyaan.

Slavia ayaana ka mahadcelisay hadiyadaas iyadoo Holes uu gool marti ah oo qaali ah u dhaliyay kooxdiisa.

Ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay, kabtankii hore Granit Xhaka ayaa canaan carro leh kala duldhacay labada daafac.

Sida uu sheegay joornaliistaha Charles Watts, wuxuu ku qeyliyay: “Kaliya inaad iska bixisaan kubada f*cking-ka ah ayay aheyd, kaliya bixiya kubada.”

Daaficii hore ee Gunners haatana ah khabiirka BT Sport Martin Keown ayaa ka hadlay sida ay kooxdiisa hore awood ugu laheyn inay shabaqa ilaashato.

Wuxuu yiri: “Sida ay u difaacdeen kubadaas koornada aheyd waxay sidii ugu xumeyd ee abid la arko.

“Gabriel wuxuu ahaa mid argagaxsan ka hor koornada oo walwal uu ka muuqdo.

“Shabaqa ma aysan ilaashanin 14 kulan, waxay aheyd inay shabaqa ilaashadaan 10ka iyo 5tii daqiiqo ee ugu danbeysay laakiin waa ay sameyn waayeen.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*