GOLDEN BOOT: Tartanka Gool-Dhalinta Ee Euro, Xiddig Aan Cidi Filayn Oo Ronaldo Soo Qabtay & Kuwa Wali Fursada Haysta

Goolkii uu xalay weeraryahanka xulka qaranka Czech ee Patrick Schick ka dhaliyay dhigiisa Denmark ayaa ka dhigan inuu haatan hoggaanka goolasha tartanka Euro 2020 la wadaagayo Cristiano Ronaldo oo markii hore kaligii safka hore fadhiyay.

Goolkaas uu Schick kasoo dhaliyay Denmark ayaan xulkiisa ugu filnaan inay wareega afar dhammaadka ee tartanka gaadhaan xilli xulkii ku guuleystay Euro 1992 uu sidaas ugu gudbay heerka xiga balse goolkaas ayaa ugu yaraan Schick ka caawiyay inuu soo qabto Ronaldo.

Image

Ronaldo iyo Schick ayaa hadda min shan gool leh waxaana kaliya soo qaban kara xiddigaha xulalka koobka ku hadhay ee kala ah England, Italy, Denmark iyo Spain.

Laba kamid ah xiddigihii ugu cad cadaa kabta dahabka ah koobka kahor oo kala ah Romelu Lukaku iyo Karim Benzema ayaa min afar gool kaga hadhay koobka si lamid ah xiddigii Sweden ee Emil Forsberg.

Ronaldo iyo Schick ayaa sugi doona saddexda kulan ee hadhsan si ay u arkaan haddiiba rekoodhkooda la bar-bareeyo, saddexda xiddig ee kaliya ee min saddex gool leh walina baaqiga ku ah tartanka ayaa kala ah Raheem Sterling, Harry Kane iyo Dolberg.

Alvaro Morata, Pablo Sarabia, Ferran Torres, Joakim Maehle, Youssuf Poulsen, Ciro Immobile, Matteo Pessina iyo Lorenzo Insigne ayaa min laba gool ku gaadhay Semi Final-ka.

ImageImage

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. Adeer kabta dahabka ah will baa meel loo dhigey waa Sterling weliba xaley goolashii ay dhaliyeen kabtankayaga ee baarqab Henderson iyo wiilka hindiga ah ee reer man united waxaa siin lahaa Sterling

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*