GO’AAN WEYN: Erling Haaland Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo Inuu Ku Biiro Real Madrid Iyo Chelsea

Sida uu sheegayo wargeyska Telegraph, weeraryahanka kooxda Chelsea ee Erling Haaland ayaa laga iibiyay aragtida ah inuu ku biiro kooxda Chelsea isla markaana si buuxda ugu qancay.

Tartanka ka dhaxeeya kooxaha waaweyn ee Yurub ee ay ku doonayaan saxeexa Haaland ayaa ah mid soconaya, kooxda kusoo guuleysatay Champions League ayaa ah mid ay ka go’antahay inay helaan.

Image

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa diyaar la ah waxkasta oo macquul ah si uu Haaland ugu soo daro safka tababare Thomas Tuchel.

Sida ay sheegayaan wararka saxaafada England ka imanaya Chelsea ayaa xidhiidh la samaysay shaqsiyaadka ka ag dhaw-dhaw Haaland iyo waliba wakiilkiisa Mino Raiola halka ciyaaryahanka qudhiisu inuu doonayo u wareegista Stamford Bridge la xusay.

Si kastaba, caqabada heshiis qabsooma ayaa ah kooxda Haaland ee Borussia Dortmund taas oo lacag badan ku xidhay iibkiisa si ay uga hor istaagaan in laga qaato.

Dortmund ayaa iibka Haaland ku xidhay lacag 180 Milyan oo pound ah waana lacag kooxaha doonaya ku adkaynaysa inay gaadhaan.

Sida ay sheegayaan saxaafada England, Abramovich ayaan doonayn inuu khamaar ku galo saxeexa Haaland ilaa xagaaga dambe si uu uga hortago tartan ay markaas la galaan Real Madrid, Barcelona Man United iyo Man City waana sababta uu hadda u raadinayo qorshayaal ay hoos ugu soo dhigayaan qiimaha Haaland ay ku doonayso kooxdiisu.

The Telegraph ayaa intaas ku daraya in Chelsea ay xataa sugi karto ilaa sanadka dambe maadaama oo Haaland ay ka iibiyeen mashruucooda oo uu sugi karo sanad kale.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*