GO’AAN: Martin Odegaard Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Xilli Ay Arsenal, Chelsea, Liverpool & Real Madrid War Heleen

Da’yarka hal abuuraha ah ee kooxda Arsenal ahna kabtanka xulka qaranka Norway ee Martin Odegaard ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa iyo halka uu xilli ciyaareedka dambe doonayo inuu ka ciyaaro.

Arsenal ayaan soo qaadan xilli ciyaareed wanaagsan oo ay ku hamido usoo bixitaanka tartamada Yurub waana mid saamayn ku yeelan karta dhaq-dhaqaaqeeda suuqa, Gunners ayaa saxeexyo dhawr ah sameeyay xagaagii balse Mikel Arteta ayaa mashaqo kale dhex taagan.

Image

Imaatinkii Martin Odegaard ee Arsenal ee badhtamaha xilli ciyaareedka ayaa ahayd mid u wanaagsan kooxda waxaana la arki doonaa haddiiba ay awood u yeelan doonaan inay sii haystaan mudo kale.

Hoos u dhaca Arsenal ee xilli ciyaareedkan ayaa ka dhigan in Arsenal aysan awood u yeelan doonin inay saxeexa ciyaaryahanada qaar kula dagaalamaan kooxaha xifaaltanku kala dhaxeeyo ee iyagu Champions League usoo baxaya.

Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska 90min, Odegaard ayaa doonaya inuu iskaga tago kooxda sida rasmiga ah uu uga tirsan yahay ee Real Madrid suuqa xagaagan isla markaana raba inuu sii joogo horyaalka Premier League.

Odegaard ayaa kusoo dhibtooday inuu fursad fiican ka helo tababare Zinadine Zidane mudadii uu la joogay Los Blancos waana sababtii ugu weyneyd ee ku qasabtay inuu koox kale ugu wareego qaab amaah ah.

Dhinaca kale lama hubo haddiiba uu Martin sii joogi doono Emirates Stadium maadaama oo ay Arsenal qarka u saaran tahay inay seegto tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe.

Labada kooxood ee kale ee PL ka tirsan ee saxeexa 22 sano jirkaas doonaya ayaa kala ah Chelsea oo ay London ku xifaaltamaan Arsenal iyo waliba Liverpool.

Image

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*