Fursadda Ay Koox Waliba U Haysato Hanashada Champions League & Europa League Oo Xisaab Lagu Soo Saaray

Tartamada Champions League iyo Europa League ayaa soo gaadhay heerkii ugu dambeeyey, waxaana mid walba dhamaadkiisa ka hadhsan saddex ciyaarood.

Min laba kulan oo semi-finalka ah iyo ciyaarta ugu dambaysa ee finalka ayaa lagu soo xidhi doonaa, waxaana tartan walba iskugu soo hadhay min afar kooxood oo laba-iyo-laba la iskugu beegay.

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa min laba kooxood ku yeeshay semi-finalka Champions League iyo Europa League, waxaanay taasi u xaqiijinaysaa in ay yihiin kuwa ugu cadcad ee ku guuleysanaya koobabka.

Siddeedda kooxood ee labada tartan ku jira, afar ka mid ah ayaa Ingiriis ah, laba reer Spain ah, mid Talyaani ah iyo kooxda kale oo ah Faransiis.

Sida loo ciyaarayo semi-finalka

Manchester City iyo Chelsea ayaa ku kala beegmay Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, waxaana arrinta ugu fiican ay tahay in ay kala badbaadeen kooxihii isku waddanka ahaa.

Europa League ayaa sidoo kale ay Arsenal iyo Manchester United la kala ciyaari doonaan Villarreal iyo AS Roma.

Sidaas darteed, tartan walba waxa suurtogal ah inay iskugu soo hadhaan laba kooxood oo Ingiriis ama Premier League ah, taas oo haddii ay suurtogasho usoo celin doonta xilli ciyaareedkii 2018/19 oo ay tartamadan ku guuleysteen.

Si kastaba, qiimayn ku fadhida xisaab oo ay samaysay shabakadda FiveThirtyEight ayaa lagu sameeyey labada tartan ee Champions League iyo Europa League, taas oo muujinaysa kooxaha ay u badan tahay in ay ku guuleystaan.

Kooxaha qiimayntani u saadaalisay guusha koobka

Xog-ururintan ku sallaysan xisaabta oo sidoo kale saldhiggeedu yahay saynis iyo siyaasad ayaa tartan kasta gaarkiisa loogu salleeyey. Afarta kooxood ee Champions League, ayaa marka hore ay xisaabtani kala saartay, waxaana lagu xigsiiyey Europa League.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa noqotay naadiga fursadda ugu wanaagsan u haysta ku guuleysiga Europa League, waxaana kusoo xigta Arsenal, iyadoo ay waliba jirto suurtogalnimo ah in labadoodu ay iskugu yimaaddaan Finalka.

Fursadaha ku guuleysiga Europa League

4. AS Roma – 11% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

3. Villarreal – 19% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

2. Arsenal – 26% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

1. Manchester United – 45% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

Champions League

Tartanka Champions League, waxa fursadda ugu fiican ee ku guuleysiga koobka u haysata Manchester City, waxaana ugu liidata Paris Saint-Germain oo ay semi-finalka isku beegan yihiin.

Real Madrid ayaa ah kooxda labaad ee ugu cadcad ku guuleysiga Champions League, halka Chelsea ay saddexaad fadhido.

Fursadaha ku guuleysiga Champions League:

4. Paris Saint-Germain – 8% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

3. Chelsea – 17% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

2. Real Madrid – 20% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

1. Manchester City – 55% Fursadda ay koobka ugu guuleysan karto

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*