Fernandes-ku Muxuu Ahaa? – Luke Shaw Oo Soo Xushay Kooxdiisa Shan-geesoodka & Bruno Oo Laga Waayey

Luke Shaw ayaa soo xushay shaxda kooxdiisa shan geesoodka oo dhamaantood ah xiddigaha Manchester United, waxaana uu meesha  ka saaray Bruno Fernandes oo ah laacibka waqtigan lagu tilmaamo in uu ugu fiican yahay Red Devils.

Difaaca bidix ee reer England ayaa waxa uu kooxdiisa kusoo darsaday afar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United u ciyaara waqtigan iyo mid kale oo ay waqti iska soo garab ciyaareen laakiin hadda ka fadhiistay kubadda cagta.

Shaw oo ay da’diisu tahay 25 jir, ayaa xulasho uu shaki ku jiro sameeyey, waxaana uu sidoo kale iska indho tiray Robin van Persie, Joe Hart iyo ciyaartooyo kale, si la mid ah Bruno Fernandes.

Laacibkan ayaa goolhayaha kooxdiisa shan-geesoodka waxa uu ka dhigay David de Gea oo ay u wada ciyaaraan Manchester United, halka uu weerarkana usoo xushay Marcus Rashford.

Dea Gea oo waqtigan kaydka ugu jira Dean Henderson ayuu Shaw ku tilmaamay mid xariif ah.

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo laga weydiinayay website-ka Manchester United, ayaa waxa kale oo uu kooxdiisa kusoo darsaday Wayne Rooney iyo Paul Pogba, halka qofka shanaadna uu noqday isaga naf ahaantiisa oo isku daray kooxdan.

“Goolhayahayga… waa su’aal adag, sababtoo ah waxa jiray goolhayeyaal aad u fiicnaa. Waxa aan lasoo ciyaaray Deano oo wali yar, markaa isaga ma soo qaadan karayo. Waxa kale oo u qalma in aan magacaabo Joe Hart, laakiin isaguna kooxdan kama mid aha. Waxa aan ku dhegayaa David De Gea.” Ayuu yidhi.

Isagoo sii wata hadalkiisa, waxa uu intaa ku daray: “Difaaca… aad ayey u adag tahay. Aniga ayaa is-keenaya, kaddibna waxaan soo qaadanayaa laba khadka dhexe ah, waana Rooney iyo Pogba..

“Weerarka, waxaan lasoo ciyaaray Van Persie, waxaanu ahaa dhamaystire aan la aan la malayn karin, laakiin waxaan xulanayaa Rashy (Rashford.”

Kooxda Rashford oo dhamaystiran:

De Gea, Shaw, Rooney, Pogba, Rashford

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*