Farriintii Ay Garamada Kusoo Qorteen, Diyaaradii Garoonka Dul Martay, Diidmadii Liverpool Ee Codsigii Leeds & Waalidii Xalay Ee Elland Road

Kooxda Leeds United ayaa xalay noqotay kooxdii ugu horreysay ee garoonka ku dhex muujisa sida ay uga soo horjeedo tartanka ay ku bahoobeen qaar kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub ee ka magac baxay European Super League iyaga oo waliba wajahayay kooxda Liverpool oo qayb ka ah tartankaas.

Xiddigaha Leeds ayaa garoonka soo galay markii ay isku diyaarinayeen ciyaarta iyaga oo xidhan maaliyado farriimo sida, dhabarka ayay kusoo qorteen “Kubadda cagta waxa iska leh jamaahiirta” halka ay laabta hore kusoo xardhadeen “Shaqaysta” oo ay ula jeedaan shaqaysta usoo bixitaanka Champions League oo haku yaacina tartan idiin gaar ah.

Image

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah inay Leeds dhigeeda Liverpool qolka labiska u dhigtay garamaantaas oo kale balse Reds ayaa diiday inay soo xidhaan maadaama oo ay iyagu qayb ka yihiin xulafada tartankaas wadata.

“Waxaanu xilli horeba maqalnay inay jiraan garamaan xilliga iskululaynta la xidhanayo, anagu ma xidhan doono sababtoo ah ma awoodno” ayuu yidhi tababare Jurgen Klopp oo qishaya sida ay awoodiisa uga baxsan tahay.

Sidoo kale waxa jirtay diyaarad la dul mariyay gegida lagu ciyaarayay ee Elland Road oo lagu soo xidhay qoraal odhanayay “Maya Super League”

Intaa waxa dheeraa in baska siday xiddigaha iyo shaqaalaha kala duwan ee Liverpool in lagu soo dhaweeyay cay iyo aflagaado ay jamaahiirtu kala hortageen markii uu garoonka imanayay.

Sidoo kale Anfield ayay jamaahiirta Liverpool si lamid ah taageerayaasha kooxaha kale ee tartanka qaybta ka ah shalay ku hor xidheen boodhadh muujinaya sida ay tartankaas uga soo horjeedaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*