Fadeexaddii Ku Dhacday Xiddigii QOWMU-LUUDKA U Ololaynayay Ee Wijnaldum

Kabtanka xulka qaranka Holland ee Georginio Wijnaldum ayaa ku fadeexadoowbay ciyaartii uu dalkiisu kaga hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Netherlands oo toban ciyaartoy ku dheelaysay qaybtii dambe ayaa guul-darro 2-0 ah kala kulantay Czech Republic, waxaana kala daadiyey kaadhka cas ee daqiiqaddii 55aad lagu saaray De Ligt oo gacan ku qabsaday kubbad haddii uu fasixi lahaa halis uu gelayay goolkiisu.

Gini

Memphis Depay iyo Donyell Malen ayaa fursado badan ka khasaariyey Netherlands qaybtii hore, waxaase ay ka dhinteen khadka dhexe oo ciyaaryahannadii ay ka sugayeen inay bandhigga fiican ka sameeyaan ay aad u liiteen.

Georginio Wijnaldum oo ciyaarta soo galay isagoo gacanta ku xidhan calaamadda kabtanka oo lagu dul-dhejiyey calaamadda QOWMU-LUUDKA oo uu u ololaynayay, isla markaana uu hore usii sheegay in haddii la cunsuriyeeyo isagoo xidhan calaamaddan uu garoonka ka bixi doono ayaa fadeexad weyni usoo hoyatay.

Laacibkan khadka dhexe ayaa noqday ciyaartoygii ugu liitay xulka qaranka Netherlands tan iyo 1980kii.

Georginio Wijnaldum oo 90kii daqiiqadood ee ciyaarta dhamaystay ayaa kaliya dhiibay 10 baas, mana dhicin ciyaartoy ka tirsan xulka Netherlands oo ciyaar uu dhamaystay tiro sidaas u hoosaysa oo baas ah bixiyey.

Waxa ugu dambaysay in ciyaartoy 90 daqiiqadood dhamaystay uu dhiibo 10 kubbadood oo kaliya sannadkii 1980kii.

Gini Wijnaldum ayaa calaamaddii uu xidhay, waxay u dhashay fadeexad uu ku galay taariikhda dalkiisa oo bahdilaad ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

4 Fekradood

  1. Liverpool ileen waxay ciyaartoydoodu u eryeen ninkan jeeb gadaalu ahaa subxannallah waan yaabey ninkan waaba laacibe maxuu klopp u eryeya baa is leeyahay 😂

  2. Ninkan kubad ahaan ma dhisna ku darso waa jeebka dambe ma jirto ceeb ka wayn adun iyo akhiroba yuhuud dheh

  3. Caruurtaan mesha Kaso calaacaleydo dhan waa ciyaal Bajaqlona Uu ku Daadiye Wjnldm

    NB Anigu Wan Kaso Horjeeda Qowmu-ludnimo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*