FADEEXAD: Da’yarka Arsenal Ee William Saliba Oo Ganaax Lagu Riday & MUUQAALKA Ceebta Ah Ee Uu Saaxiibkii Ka Duubay

Da’yarka qaabka amaahda ah kaga maqan kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa ahaa mid boggaga hore ee saxaafada qabsaday bishii Febuary kaddib markii muuqaal uu isagu duubay uu qabsaday baraha bulshada.

Sida ay sheegayaan warar xigasho ahi, William ayaa hadda ganaax hal bil ah gadhka loo geliyay isaga oo xukunku kaga yimid xidhiidhka kubadda cagta France kaddib muuqaalkaas uu ka duubay xiddig ay koox wadaag ahaayeen.

Arsenal's Saliba films his France teammate masturbating in public, 3 years later video goes viral

20 sano jirkaas daafaca dhexe ah ayaa hadda inta xilli ciyaareedka ka dhiman amaah ugu maqan kooxda Nice kaddib markii uu boos ka heli waayay shaxda tababare Mikel Arteta.

William Saliba ayaa amaan badan ku helay qaab ciyaareedka uu horyaalka dalkiisa ku samaynayo isaga oo 15 kulan usoo ciyaaray Nice ilaa hadda isla markaana kusoo guuleystay abaalmarinta xiddiga bishii January ee kooxdaas.

Si kastaba, muuqaalka bahdilka ku noqday Saliba ayaa ahaa mid soo shaac-baxay bishii Febuary, muuqaalkaas oo loo arko mid saddex sano jiray ayaa barta Twitter-ka qabsaday.

Muuqaalka ayaa muujinaya Saliba oo qolka labiska ee xulka da’yarta France iskaga duubaya muuqaal waxaana ku xiga ciyaaryahan kale oo toos loo arkayo xubinkiisa taranka iyo inuu biyaha taranka gacanta isaga keenayo.

Xidhiidhka kubadda cagta France oo muuqaalka baadhis ku sameeyay ayaa ganaax bil ah saaray Saliba iyaga oo muuqaalkaas u arka mid halis ku ah sawirka xidhiidhkooda.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*