“F****** Idiot!!” – Xiddiga Man United Ka Tirsan Ee Uu Harry Maguire Ku Dhex Caayay Kulankii Leeds Oo La Magacaabay

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku qasbanaaday inuu ka difaaco kabtanka kooxdiisa ee Harry Maguire erayadii af-xumada ahaa ee uu shalay gegida Elland Road ugu adeegsaday saaxiibkiisa kooxda ee Fred.

Man United ayaa bar-bardhac 0-0 ah lasoo gashay kooxda tababare Marcelo Bielsa iyaga oo horyaalka usii dhaweeyay Manchester City isla markaana hadda u muuqda kuwo ku dhammaysan doona kaliya booska labaad.

Image

Mid kamida daqiiqadihii kulankaas ugu hadal haynta badnaa ayaa ahaa Maguire oo eedaynaya saaxiibkiisa kooxda ee Fred iyadoo toos loo maqlayay caydiisa isaga oo Fred ku leh “F****** Idiot” oo noqonaysa “Doqon Xun”

Walow aan dhacdadaas si toos ah su’aal looga weydiin, Solskjaer ayaa sheegay in ciyaartoyda kooxdiisu ay yihiin kuwo midkoodba midka kale ka doonayo inuu sameeyo waxa ugu wanaagsan taasina ay tahay sababta isku dhaca keenaysa.

“Waxaanu haysanaa koox wax badan midba midka kale ka dalbado, filashadu waa mid sarreysa, tababarka iyo kulanka dhexdiisa labadaba, maaha kaliya inaad ahaato nin wanaagsan, waxaanu dalbanaa dadaalka ugu sarreeya” ayuu yidhi Ole Gunnar.

Harry Maguire ayaa kamida xiddigaha aadka u caytama marka ay garoomada ku jiraan isaga oo ah mid ay isku dhacaan xiddigaha kooxdiisa iyo kuwa kasoo horjeedaba, tusaale ahaan Harry ayaa ahaa mid af-xumeeyay daafaca bidix ee Tottenham ee Sergio Reguilon kulankii dhawaan labada kooxood dhex maray.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*