EL CLASICO Legends – Halyeeyadii Real Madrid & Barcelona Oo Isku Ballansan Kulanka Xiddigaha Labada Kooxood

Halyeeyadii kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku ballansaday ciyaaar ay xiddigahooda waaweyn kasoo qayb-gelayaan oo dhici doonta dhamaadka bishan aynu ku jirno ee July.

Jimcihii maanta, Barcelona ayaa xaqiijisay in xiddigaheedii waaweynaa ay isku diyaarinayaan ciyaartoodii ugu horreysay ee ay iskugu imanayaan muddo sannad ka badan, isla markaana ay ka hor tegi doonaan Real Madrid oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Tel Aviv ee waddanka Israel.

Clasico

Ronaldinho, Rivaldo, Deco, Gaizka Mendieta, Javier Saviola iyo Ronald de Boer ayaa ka mid ah xiddigaha ay Barcelona shaacisay magacyadooda ee kulankaas ciyaari doona.

Kulankan oo loo qorsheeyey July 20, waxa lagu qabanayaa garoonka Bloomfield Stadium ee magaalada Tel Aviv oo ay kasoo xaadiri doonaan 29,400 qof.

Alvert Ferrer oo muddo toban sannadood tabab are kasoo ahaa Barcelona ayaa noqon doona macallinka xiddigaha Barcelona ee ciyaartaas.

Real Madrid ayaan wali shaacinin xiddigaheeda kulankaas ka qayb-geli doona, laakiin wargeyska The Times of Isreal ayaa sheegay in xiddigii reer Brazil ee difaaca bidix ee Roberto Carlos uu ku jiri doono xiddigaha kulankaas ciyaari doona. Waxa kale oo diyaar ah halyeygii reer Portugal ee Luis Figo, kaas oo noqon doona mid taageereyaasha labada kooxood soo xasuusiya xurguftii dhacday sannadkii 2000 markaas oo uu si khilaaf ku jiro kaga tegay Barcelona, una wareegay Real Madrid, taas oo keentay in jamaahiirtu ku weeraraan madax-doofaar isagoo u ciyaaraya Real Madrid oo ku sugan Camp Nou.

Kulanka xiiddigaha hore ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa loogu magac daray “El Clasico of Peace’, laakiin warbaahinta ayaan illaa hadda si dhab ah u xaqiijin cidda la siin doono lacagta kasoo xeroota.

Tigidhka daawashada ciyaartan ayaa qiimihiisu yahay £44 Gini oo ay taageereyaashu haddaba sii iibsan karayaan.

Barcelona ayaa sheegtay, in kulamo xidhiidh ah ay halyeeyada labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ku ciyaari doonaan meelo kala duwan oo adduunka ah, ciyaartanna ay tahay bilowga kulamadaas.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*