Donnarumma, Ramos Ilaa Messi – Waatan Shaxda Adag Ee Laga Sameeyay Xiddigaha Bilaa Kooxda Ah Maanta

Shabakadda caanka ah ee Sky Sports ayaa samaysay shax ay ka xushay xiddigaha heshiiskii ay kula joogeen kooxahoodu uu ku ekaa 30-kii June oo shalay ahayd isla markaana xalay saqdii dhexe laga soo bilaabo koox la’aanta ahaa.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Gianluigi Donnarumma kaas oo heshiiskiisii AC Milan xalay soo dhammaaday, Gianluigi ayaa qarka u saaran oo xataa caafimaadka uga gudbay Paris Saint-Germain walow aan wali waxba rasmi loo shaacin.

Ramos 1

Labada daafac dhexe ee xulashadan ayaa kala ah Sergio Ramos oo Real Madrid ka dhaqaajiyay iyo Jerome Boateng oo qudhiisa uu kasoo dhammaaday wakhtigii uu ku joogay Bayern Munich.

Daafaca midig ayaa ah daafaca ree Albania ee Hysaj oo qandaraaskiisii Napoli oo uu 179 kulan soo metelay xalay dhacay si lamid ah Ezgjan Alioski oo isaguna ka huleelaya Leeds United.

Shaxda Sky Sports soo dooratay oo hanaanka 4-3-3 u samaysan ayay saddexda khad dhexeba yihiin xiddigo Premier League ah oo kala ah Lundstram oo Sheffield United oo dhawaan ka dhacday horyaalkaas ka tirsanaa, Juan Mata oo Man United ah walow la filayo inuu kordhiyo heshiiskiisa iyo Schlupp oo Crystal Palace ah.

Saddexleyda weerar ayuu hoggaaminayaa Lionel Messi waxaana la midaysan Jovetic oo qandaraaskiisii AS Monaco soo dhammaaday iyo Josh King oo isagana Everton heshiis lix bilood ah oo uu Everton ugu wareegay January uu ka dhacay.

Shaxda Oo Kooban: Donnarumma, Hysaj, Ramos, Boateng, Alioski, Schlupp, Mata, Lundstram, Messi, King iyo Jovetic.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*