DEG-DEG: Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaqay Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Chelsea

Real Madrid ayaa dib u heshay xiddigo muhiim ah oo dhaawac kaga maqnaa, kuwaas oo lagu soo daray xiddigaha kooxdaas ee kulanka Chelsea ee habeen dambe.

Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka semi-finalka Champions League ee habeen dambe ay garoonka Alfredo Di Stefano ku martigelin doonaan Chelsea, waxaana qayb ka noqday xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Toni Kroos oo saddex ciyaarood dhaawac ku maqnaa.

Kroos ayaa saaka tababarka la qaatay ciyaartoyda kooxdiisa, waxaanu isku muujiyey in uu taam yahay oo uu ciyaari karayo kulanka Chelsea, inkasta oo uu Zidane go’aan ka gaadhi doono haddii uu kusoo bilaabayo.

Eden Hazard ayaa isagana lagu daray liiska kooxdiisa Real Madrid ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah, waxaanu ka hor tegi doonaa naadigiisii hore ee Chelsea ee Real Madrid uu uga wareegay. Waxa kale oo taam ah Dani Carvajal oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey midna beddel kusoo galay, midna lagu soo bilaabay.

Real Madrid ayay ciyaartan ka maqan yihiin Sergio Ramos oo aan wali kasoo kabanin dhaawac iyo Korona Fayras isku raacay, Ferland Mendy iyo Fede Valverde.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee Kulanka Chelsea:

Goolka: Thibaut Courtois, Lunin iyo Altube.

Difaaca: Dani Carvajal, Eder Militão, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola iyo Miguel.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modrić, Casemiro, Isco, Arribas iyo Blanco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Mariano Diaz iyo Rodrygo Goes.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*