DEG-DEG: Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Liverpool – SHAN Xiddig Oo Waaweyn Oo Maqan

Eden Hazard ayaa laga reebay xiddigaha Real Madrid ee u safraya UK, halkaas oo ay kula soo ciyaari doonaan Liverpool lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League.

Real Madrid ayaa tegaysa Anfield iyadoo ay ka maqan yihiin dersin ciyaartoydeeda ah, waxaase warka wanaagsan uu yahay in laacibka khadka dhexe ee Fede Valverde uu kasoo kabtay dhaawac fudud oo kasoo gaadhay ciyaartii El Clasico ee Sabtidii, waxaanu ka mid noqday ciyaartoyda Los Blancos ee safarka ku tegaya Anfield.

Zinedine Zidane ayaan liiskiisa kusoo darsanin Eden Hazard oo muddooyinkii dambe tababarka la qaadanayay kooxdiisa, kana soo kabtay dhaawac uu qabay, waxaana tababaruhu uu go’aankiisa ku sheegay in aanu doonayn in uu halis geliyo laacibkan illaa inta uu si buuxda uga soo kabanayo dhaawacyada murqaha ee kusoo noqnoqday.

Xiddiga reer Belgium ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo March 13 oo uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii Elche, iyadoo uu markaas uun kasoo laabtay dhaawac kale oo uu in muddo ah ku maqnaa.

Dhinaca kale, Fede Valverde oo aan tababarka la qaadanin ciyaartoyda kooxdiisa subaxnimadii Isniinta maanta ayaa haddana lagu soo daray liiska xiddigaha Real Madrid, waxaanu Zidane rajaynayaa in Salaasada uu tababarka si buuxda u qaadan doono.

Zidane ayaa ka fikiraya in Valverde uu ka ciyaarsiiyo difaaca midig oo ay ka dhaawacan yihiin Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez, waxaanu kala dooranayaa Valverde iyo Alavaro Odriozola.

Waxa kale oo Real Madrid ka maqan Sergio Ramos oo dhaawac ah iyo Raphael Varane oo ku jira karantiil kaddib markii uu ku dhacay Korona Fayras toddobaadkii hore, kaas oo uu ku seegay lugtii hore ee Liverpool iyo ciyaartii Barcelona ee Sabtidii.

Saddexda ciyaartoy ee da’da yar ee Victor Chust, Sergio Arribas iyo Marvin Park ayaa qayb ka noqonaya safarka Real Madrid ugu tegayso Liverpool.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Liverpool oo dhamaystiran:

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy, Victor Chust.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Marvin Park, Sergio Arribas.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*