DEG-DEG: Xidhiidhka FA Oo Go’aan Ka Gaadhay Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan Kaddib Geerida Prince Philip – Miyaa La Joojiyey Dhamaan Ciyaaraha?

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey go’aan ay ka gaadheen kulamada horyaalka Premeir League iyo horyaallada kale ee ka hooseeya ee guud ahaan UK, kaddib markii uu maanta geeriyooday Prince Philip oo ahaa sayga boqorad Queen Elizabeth II.

Qasriga Boqortooyada ee Buckingham Palace ayaa mar dhoweyd shaaciyey in geeri murugo leh ay ku habsatay, isla markaana uu geeriyooday ‘Dude of Edinburgh’ oo ay da’diisu ahayd 99 jir.

War-saxaafadeed uu qasrigu soo saaray ayay Queen Elizabeth ku sheegtay in uu geeriyooday saygeedii ay jaclayd ee Prince Philip oo ahaa Duke of Edinburgh.

Boqortooyadu waxa kale oo ay ku dhawaaqday in qasriga laga dhigi doono 30 maalmood oo baroor-diiq ah, isla markaana ay Boqoraddu fagaareyaasha kasoo muuqan doono.

Kaddib geeridan, xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa soo saaray go’aamo la xidhiidha waxa laga yeelayo kulamada ciyaaraha ee dhamaan dalkaas, kuwaas oo ay sheegeen waxa laga yeelayo maadaama uu waddanku baroor-diiq galay.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhku ayuu ku shaaciyey in kulamada toddobaadkan la ciyaari doono oo aanay waxba iska beddeli doonin, inkasta oo uu geeriyooday Prince Philip, laakiin lagu xusi doono ciyaaraha dhexdooda.

Ka hor inta aanay bilaabmin ciyaaruhu ayaa hal daqiiqo loo aamusi doonaa Prince Philip oo sawirkiisuna kasoo muuqan doono shaashadda garoonka.

Ciyaarta ugu horreysa ee horyaalka Premier League loo aamusayo Prince Philip ayaa waxay noqotay kulanka caawa ee Fulham iyo Wolves, waxaana ku xigaysa ciyaarta Manchester City ay ku qaabbilayso Leeds United.

Dhinaca kale, shirarkii jaraa’id ee galabta ay qabteen tababareyaasha horyaalka Premier League ayay tacsi ugu direen qoyska boqortooyada, iyagoo amaanay amiirka geeriyooday.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*