DEG-DEG: Xiddigii Manchester United Ee Daniel James Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareegay Leeds United

Kooxda kubadda cagta Leeds United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddigii Manchester United garabka weerarka uga ciyaari jiray ee Daniel James, kaas oo qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah.

Laacibkan oo Manchester United ay go’aamisay inay iibiso kaddib markii ay lasoo saxeexatay Cristiano Ronaldo ayaa ka degay kooxda uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo ee Leeds United oo uu u saxeexay qandaraas soconaya illaa sannadka 2026.

daniel james banner 2

Leeds United ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay warbaahinta Daniel James oo heshiis u saxeexaya, waxaana qoraal kooban oo ay soo saartay ay ku sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay hesho laacibkan oo ay qayb ka noqon doona xiddigaha uu xilli ciyaareedkan uu hoggaaminayo tababare Marcelo Bielsa.

Manchester United ayaa waxay ogolaatay in Daniel James ay ku iibiso 25 milyan oo Gini, kumana jiro qodob u ogolaanaya inay dib ula soo saxeexan karto.

Daniel James ayay Manchester United kasoo iibsatay Swansea sannadkii 2016, waxaana labadii sannadood ee uu ku qaatay Old Trafford ay ahaayeen kuwo aanu helin boos joogto ah inkasta oo uu kulamo badan u saftay.

Leeds United ayaa waqtigii ay Manchester United la saxeexanaysay laacibkan kula tartantay laakiin isaga ayaa doorbiday Old Trafford maadaama ay waqtigaas Leeds ka ciyaaraysay heerka labaad.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*