DEG-DEG: Xiddigii LABAAD Oo Ka Tegay Chelsea Maanta Oo Jimce Ah

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa macasalaamaysay xiddigii labaad ee ka tegay kooxdeeda maanta oo Jimce ah, waxaana sidii aanu saaka idiin soo gudbinay ka tegay laacibka da’da yar ee Billy Gilmour oo si amaah ah ugu wareegay Norwich City, laakiin sheekadu way ka duwan tahay hadda, waxaana si rasmi ah uga baxay Stamford Bridge laacib kale oo muddo sagaal sannadood ah kusoo jiray liiska ciyaartoydeeda.

Chelsea ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciyaartoy lix jeer ay amaah ku bixisay oo sannadihii ugu dambeeyey ku maqnaa amaaho kala duwan uu si rasmi ah uga tegay.

Thomas Tuchel

Xiddiga reer Nigeria ee Victor Moses oo amaah ugu maqnaa kooxda Spartak Moscow ee ka dhisan waddanka Ruushka ayaa si rasmi ah ugu wareegay isla kooxdaas.

30 jirkan oo Chelsea ay kala soo wareegtay Wigan sannadkii 2012 ayaan hal kulan u ciyaarin tan iyo October 2018, waxaanu intii ka dambaysay amaaho ugu maqnaa kooxo kala duwan.

Ciyaartii ugu dambaysay ee uu Chelsea u ciyaaro ayaa ahayd 2018-19 kulan ka tirsanaa Europa League oo ay la ciyaarayeen BATE Borisov oo uu beddel kusoo galay, ayna gaadheen guul 3-1 ah.

War-saxaafadeed ay Chelsea soo sartay ayay ku xaqiijisay in Victor Moses uu si rasmi ah uga tegay kooxdeeda iyadoo heshiiskii uu kula jirayna uu soconayay illaa 2023.

Muddadii uu joogay Stamford Bridge, Moses ayaa u saftay 128 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 18 gool, isagoo kula guuleystay Premier league, FA Cup iyo Laba Europa League.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*