DEG-DEG: Xiddigii Labaad Oo Gudaha Suuqan Chelsea Kaga Biiray AC Milan

Kooxda ree Talyaani ee AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa weeraryahankii Chelsea ee Olivier Giroud xilli uu u noqonayo xiddigii labaad ee ay si rasmi ah ugala wareegaan kooxdaas xagaagan kaddib Fikayo Tomori.

Giroud ayaa heshiis laba sano ah oo ilaa 2023 ku hayn doona gegida San Siro u saxeexay Milan isagoo Chelsea kaga tagay qadar 1 Milyan pound ah.

IMG 20210717 140340

Giroud ayaa Milan u qaadan doona no.9 oo uu ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ku najaxay ahaa Inzaghi iyadoo xiddigo badan oo ka dambeeyay ay ku fashilmeen.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*