DEG-DEG: Xiddigii Chelsea Ee Wacdaraha Layaabka Leh Ka Dhigay EURO 2020 Oo Heshiis La Gaadhay Koox Kale

Xiddigii wacdaraha ka dhigay tartanka qaramada Yurub ee la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga kulankii England iyo Scotland ayaa shandaddiisa ka xidhxidhay garoonka Stamford Bridge, waxaanu u wareegayaa naadi kale oo isla horyaalka Premier League ah oo uu xilli ciyaareedka soo socda u dheeli doono.

Chelsea ayaa haysata ciyaartooyo tiro badan oo aan boosas joogto ah haysanin, gaar ahaan khadka dhexe iyo afka hore ee weerarka, halka difaacana ay joogaan kuwo badan oo kaydka ku jira maalin kasta inkasta oo uu Thomas Tuchel lixdii bilood ee uu joogay uu ku ciyaarayay shan difaac.

Gilmour

Blues ayaa tartanka qaramada Yurub waxa uga qayb gelayay dersin ciyaartooyo ah, waxaanay safka hore kaga jirtaa naadiyada ciyaaryahannada ugu badan ku leh tartanka.

Khadka dhexe ee France, England, Talyaaniga, Scotland iyo meelo kale ayay ciyaartoydeedu ahaayeen rukuno aan la dhaqaajin oo si joogto ah u ciyaara, laakiin dhamaan ciyaartoydaasi masii wada joogayaan Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Xiddiga da’da yar ee Billy Gilmour oo wacdaro ka dhigay tartanka Euro isagoo u ciyaarayay Scotland ayaa intii uu xilli ciyaareedku soo dhamaadayba doonaysay kooxda horyaalka Premier League dhowaanta usoo dallacday ee Norwich City.

Chelsea iyo Norwich City ayaa wada gaadhay heshiis ay kula kala wareegayaan Billy Gilmour oo tegaya Carrow Road Stadium.

20 jirkan oo boodhka sare ee maamulka Chelsea ay u arkaan inuu yahay ciyaartoygooda mustaqbalka, waxay ogolaadeen in heshiis amaah sannad ah ay ku siiyaan Norwich City, 12 bilood kaddibna uu kusoo laabto London.

Laacibkan ayaa meel weyn kaga jira qorshaha kooxdiisa, waxaana sababta ay amaahda ugu direen ay tahay inuu soo helo ciyaaro joogto ah iyo boos joogto ah, si kubaddiisu u noqoto qaan-gaadh, khibradna uga soo kasbado Norwich.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*