DEG DEG: Xiddig Premier League Oo Lagu Eedeeyay Inuu U Galmooday Caruur Oo La Xiray & Kooxdiisa Oo War Rasmi Ah Soo Saartay

Xiddiga kooxda Everton Gyfli Sigurdsson ayay xireen boliiska iyadoo lagu heysto eedeymo ah inuu u galmooday caruur aan qaangaadhin halka kooxdiisa Everton ay goordhow shaacisay inay kooxdooda ka mamnuuceen xiddigaan ilaa iyo inta uu ka soo dhamaanayo baaritaanka boliiska.

Sigurdsson ayaa damaanad lagu sii daayay iyadoo boliiska ay sheegeen in nin 31 jir ah loo xiray inuu u galmooday gabdho aan qaangaadh aheyn islamarkaana la sii daayay. Inkastoo boliiska iyo Everton aysan magacdhabin ciyaaryahanka hadana warbaahinta Ingariiska ayaa sheegeysa in ninkaasi uu yahay Sigurdsson.

Everton said a player had been suspended pending a police probe

Warbixin ay soo saartay Everton goor dhaweyd ayaa lagu yiri: “Everton waxay xaqiijineysaa inay kooxdeeda ka mamnuucday ciyaaryahan uu baaritaan boliis ku socdo.

“Kooxda waxay sii wadi doontaa inay boliiska ku taageerto baaritaanada socda, wax intaan dhaafsiisan kama hadlin doono waqti xaadirkaan.”

Eedeymaha loo heysto xiddigaan Everton u dheela ayaa ah kuwa halis ah oo uu ku muteysan karo xabsi waqti dheer ah haddii lagu helo danbiga lagu soo oogay.

Everton ayaa ku soo laabatay tababarka ka hor kulankooda ugu horeeya xilli ciyaareedka ee ay la dheelayaan Southampton 14ka bisha Agoosto.

Kooxda ayaa sidoo kale u duuleysa Mareykanka iyagoo ka qeybgalaya koobka Florida Cup oo ay la dheelayaan kooxda Millonaros 26ka bishaan July.

Ciyaartaas waxay noqon doontaa midii ugu horeysay ee tababaraha cusub Rafa Benitez kaasoo shaqada kala wareegay tababare Carlo Ancelotti.

Magacaabista Benitez ayaa ka careysiisay taageerayaal badan oo Everton ah madaama uu halyeey ka yahay kooxda ay xafiiltamaan ee Everton.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*