DEG-DEG: Xiddig Muhiim Ah Oo Ku Dhaawacmay Tababarkii Xulka England Ee Maanta

Xulka qaranka England ayaa waxa ka dhaawacmay laacib muhiim ah ka hor kulanka muhiimka ah ee ay Sabtida la ciyaari doonaan Ukraine.

England ayaa waxay wareegga siddeedda tartanka qaramada Yurub wada ciyaarayaan Ukraine iyagoo labadooduba kasoo kala gudbay Germany iyo Sweden,  waxaanu midkood iska xaadirin doonaa wareegga siddeedda halka uu kan kalena tartanka ka hadhi doono.

Saka

Tababare Gareth Southgate ayaa ka hor ciyaarta Ukraine waxa uu xaqiijiyey in uu ka dhaawacmay laacibka da’da yar ee Bukayo Saka oo wax ku noqday tababarkii u dambeeyey ee Jimcihii ay samaynayeen ciyaartoyda xulka dalkaas.

Saka oo kusoo bilowday kulankii Czech Republic, qaab ciyaaareed wanaagsanna sameeyey ayaan qayb ka noqon doonin ciyaarta Ukraine, kaddib markii tijaabooyin lagu sameeyey ay muujiyeen inuu dhaawacan yahay.

Southgate oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Hadda ayaanu baadhitaan ku samaynay Bukayo, waxaanu qabaa jug yar oo maanta soo gaadhay. Inta kale ee ciyaartoydu waa taam, waana la heli karayaa.”

Xulka qaranka England ayaa haysta ciyaartooyo kale oo u beddeli doona Saka, waxaana ka mid ah Phil Foden iyo Jack Grealish. Sidoo kale, Jadon Sancho iyo Marcus Rashford ayaa iyaguna taam ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*