DEG-DEG: Xiddig Kale Oo Laf-dhabar U Ah Real Madrid Oo Uu Ku Dhacay COVID-19 & Musiibooyinka Los Blancos Oo Xadhkaha Goostay

Musiibooyinka ku habsaday Real Madrid ayaa sii kordhaya, waxaana maalinba maalinta xigta soo yeedhaya war kale oo ka nixinaya tababare Zinedine Zidane iyo taageereyaasha kooxdaba, waxaana dersinkii hore ee ciyaartoyda ee xanuunada iyo dhaawacyad kaga maqnaa usii raacay laacib kale oo hadda la shaaciyey in uu ku dhacay Korona Fayras.

Real Madrid ayaa kulamada caawa ee Cadiz iyo kuwa usbuuca dambe aan midkoodna heli doonin mid ka mid ah xiddigaha laf-dhabarta u ah oo horena uga maqnaa ciyaartii ugu dambaysay, kaas oo uu ku dhacay xanuunka COVID-19.

Laacibka khadka dhexe ee reer Uruguay ee Federico Valverde oo hore u galay karantiil kaddib markii uu xidhiidh la sameeyey qof xanuunkaasi hayo, ayaa toddobaadkan horraantiisii gurigiisa isku ooday iyadoo baadhitaankii waqtigaas lagu s ameeyeyna lagaga waayey.

Laakiin baadhitaan cusub oo laga  qaaday maalmo kaddib ayay natiijadiisu maanta soo baxday, waxaanu xaqiijiyey in Fede Valverde uu hayo Fayraska Korona oo uu ku dhacay.

Ciyaarta caawa ee Cadiz ayaa u raaci doonta kulankii Getafe ee uu hore u seegay, waxaana ugu xigaya Real Betis oo Sabtida ah iyo lugta hore ee semi-finalka tartanka Champions League ee Chelsea ee toddobaadka dambe.

Zinedine Zidane ayay dhibaato iyo naxdin ku tahay in uu maqlo xogtan cusub ee ah in uu Valverde ku dhacay Fayrasku oo aanu diyaar u ahayn kulamada soo socda ee saddexda ah.

Si kastaba, waxa xanuunkan kasoo kacay Raphael Varane oo qayb ka ah ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Cadiz ee caawa, waxaase wali xanuunku hayaa Sergio Ramos oo horeba ugu maqnaa  dhaawac.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*