DEG-DEG: Xiddig Ka Tirsan Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Koox Premier League Ah + Lacagta Lagu Iibsanayo

Mid ka mid ah xiddigaha kooxda Barcelona ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, isagoo heshiis rasmi ah kaga baxaya kooxdiisa.

Barcelona ayaa la filayaa inay iibiso dersin ciyaartoydeeda ka mid ah, si ay u dhinto mushaharka tirada badan, isla markaana iskaga khafiifiso deynta lagu leeyahay.

messi

Kaddib saxeexyada Eric Garcia, Memphis Depay, Sergio Aguero iyo Emerson Royal, Barcelona ayaa waxay ka shaqaynaysaa sidii ay kooxdeeda uga diri lahayd tiro ciyaartooyo ah oo ay ku jiraan kuwa mushaharka badan qaata, waxaana hadda la xaqiijiyey inuu ambobaxay difaaca bidix ee Junior Firmo oo kusii jeeda horyaalka Premier League.

Laacibkan ayaa si rasmi ah ugu wareegaya kooxda Leeds United, iyadoo ay labada kooxoodna gaadheen heshiis rasmi ah.

Leeds United ayaa bixin doonta lacag dhan 15 milyan oo Euro iyo lacago kale oo ku xidhnaan doona bandhigga iyo guulaha uulaacibkani la gaadho kooxdiisa cusub.

Sida uu ku warramay wariyaha caanka ah ee looga dambeeyo xogta suuqa ee Fabrizio Romano, Leeds United iyo Barcelona waxay heshiis rasmi ah ka gaadheen heshiiska Junior Firmo.

AC Milan ayaa iyaduna raadinaysay laacibkan oo ay ku doonaysay qaab amaah ah, laakiin Barcelona ayaa doorbidday inay si rasmi ah u iibiso halkii ay amaah kaga bixin lahayd.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*