Maxay Ahayd Sababtii Dib Loogu Dhigay Ciyaartii Chelsea & Brighton Ee Bilaabmi Lahayd 10-ka Fiidnimo

Waxa dib u dhacday ciyaarta garoonka Stamford Bridge ee Chelsea iyo Brighton oo ay ahayd in ay bilaabanto 10ka fiidnimo ee Saacadda Geeska Afrika, waxaana garoonka hortiisa iska soo buuxiyey taageereyaal tiro badan oo mudaharaadaya.

z

Ciyaartoyda labada kooxood ayaan lagu xareeyey qolalkooda lebbiska iyagoo joojiyey iskulaynta, iyadoo ay soo xoogaysanayaan mudaharaadeyaasha oo sitta boodhadh ay kaga soo horjeedaan tartanka Super League ee ay Chelsea qaybta ka ahayd kooxaha aas-aasay, balse hadda ay soo baxayso in ay iskaga baxayso.

Taageereyaasha oo markii hore cadhaysnaa ayaa markii dambe isku beddelay farxad iyo rayn-rayn, iyagoo garab istaagay mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich oo ay sheegeen in uu wax wanaagsan sameeyey kaddib markii ay kooxdu ka baxday tartanka Super League.

Labada kooxood ayaan war-rasmi ah kasoo saarin sababta ciyaarta dib loogu dhigay, laakiin waxa la xaqiijiyey in 15 daqiiqadood ay dib uga dhacday waqtigii hore loogu talo-galay in ay bilaabanto ee 10pm.

Ciyaarta ayaa dib loogu dhigay 10:15pm.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*