DEG-DEG: UEFA Oo Go’aan Kasoo Saartay Ganaaxyada Real Madrid, Barcelona Iyo Juventus

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aan kasoo saartay ganaaxyadii la filayay in ay kasoo saarto saddexda kooxood ee Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ee iska diiday inay ka laabtaan tartanka Super League ee qorshihiisa lagu dhawaaqay bishii hore, laakiin ay kooxaha sagaalka ah ee Premier League u badan ay iskaga baxeen.

UEFA ayaa hore u shaacisay inay ganaaxyo adag ku ridayso saddexda kooxood ee wali kusii adkaysanaya in Super League uu jiro oo aanay ka laaban doonin.

Guddi anshax oo UEFA ay u saartay inay soo baadho saddexdan kooxood, ayaa waxay dhowaan shaacisay inay jabiyeen sharciga xidhiidhka kubadda cagta Yurub, waxaana miiska lasoo saaray ciqaab laba nooc ka kooban oo midda ugu daran ay tahay in tartanka Champions League laga joojiyo muddo laba sannadood ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.

Laakiin kooxahan ayaa nafis ka helay go’aan shalay ay soo saartay wasaaradda caddaalada Switzerland oo u sheegtay UEFA iyo FIFA in aanay wax ganaax ah ku ridi karin naadiyadan, halka maxkamadda Madrid ay iyaduna bishii April sheegtay in aanay UEFA xaq u lahayn inay ganaax ku riddo naadiyadan.

Si kastaba, UEFA ayaa war-saxaafadeed soo saartay maanta, waxaanay shaacisay in ganaaxii ay ku ridaysay kooxahan ay dib u dhigtay muddo aan la cayimin.

War-saxaafadeedka ayay UEFA ku tidhi: “Kiiska anshax marinta ahaa ee ka dhanka ahaa koxoaha Barcelona, Juventus iyo Real Madrid oo ku saabsanaa suurtogalnimada inay meel ka dhac ku sameeyeen sharciga shaqada ee UEFA iyagoo ku xidhmay waxa loogu yeedhay ‘Mashruuca Super League’, ayay UEFA go’aamisay inay dib u dhigto illaa waqti kale.

“UEFA waxay fahamsan tahay sababta loogu baahan yahay in kiisan dib loo dhigo waqti xaadirkan, laakiin waxay kalsooni ku qabtaa, siina difaaci doontaa meesha ay ka taagan tahay arrintan {in la ganaaxo kooxahan}.”

UEFA ayaa dhinaca kale digniin kale dirtay, waxaanay sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan shuruucda qaramada iyo Midowga Yurub, si loo sii wado kiiskan, isla markaana waqtiga ugu suurtogalsan ay guddida Rafcaannada ee UEFA u bilaabi doonaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*