DEG-DEG: Sucuudiga, Talyaaniga Iyo Spain Oo Wada-jir U Dalbaday Martigelinta Koobka Adduunka

Saddexda waddan ee Sucuudi Carabiya, Talyaaniga iyo Spain ayaa doonaya inay wada-jir u martigeliyaan Koobka Adduunka 2030, waxaanay la yimaaddeen qorshe qaarado kala duwan ah oo tartankaas loogu qabanayo sagaal sannadood kaddib.

Spain iyo Portugal ayaa hore wada-jir ugu muujiyey inay doonayaan martigelinta Koobka Adduunka, hase yeeshee waxa hadda la shaaciyey in qorshahaas isbeddel ku yimid, iyadoo uu tababaraha xulka qaranka Talyaanigu si cad u sheegay, in waddankiisa, Spain iyo dal kale oo saddexaad oo ay warbaahintu ku sheegtay Sucuudiga, ay wada qaban doonaan.

world Cup.JPG1

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in fikraddii ugu xumayd abid ee ku saabsan martigelinta ay la yimaaddeen laba waddan laba dal oo Yurub ah iyo Sucuudiga, taas oo ah inay wada qabtaan Koobka Adduunka, isla markaana xulalku u kala gooshaan waddamo kala fog.

Warka ayaa intaa ku daray, in Sucuudigu uu ka shaqaynayo inay si dhow isku kaashadaan Talyaaniga xilli FIFA ay ka shaqaynayso, soona dhoweynayso in Koobka Adduunka lagu qabto waddamo kala duwan, halkii dal kaliya uu ka martigelin lahaa.

Shirkadda Boston Consultancy Group ayaa la sheegay inay ka caawin doonto Sucuudiga, sidii uu ugu guuleysan lahaa qorshihiisa martigelinta Koobka Adduunka.

Dhinaca kale, tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini oo u warramay warbaahinta Rai ayaa sheegay, in Spain, Talyaaniga iyo waddan kale oo aanu magacaabin ay ka shaqaynayaan in ay martigeliyaan Koobkaas, isagoo dhinaca kalena xusay in ay labadooda dal yihiin kuwa ugu cadcad ee ku guuleysan doona koobkaas.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*