DEG-DEG: Robert Lewandowski Oo Ka Tegaya Bayern Munich – Chelsea Iyo Real Madrid Oo Uu Kala Doortay

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa go’aansaday inuu iskaga tago kooxdiisa Bayern Munich oo uu si bilaash ah uga soo wareegay Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii 2014-15.

Lewandowski oo toddoba sannadood oo uu joogay Bayern Munich kula guuleystay horyaalka Bundesliga iyo koobab kale oo badan oo maxalli ah, ayaa siiyey Real Madrid iyo Chelsea warkii ay doonayeen.

32 jirkan oo xilli ciyaareedkii tegay dhaliyey 41 gool oo horyaalka Bundesliga ah, isla markaana jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Gerard Muller ee 50ka sannadood soo taagnaa, ayaa sida ay warbaahintu kusoo warramayso waxa uu go’aansaday in uu iskaga tago.

Bayern Munich ayaa toddobaadkan war ay kasoo saartay waxay ku sheegtay in aanu sinaba ku tegi doonin Robert Lewandowski, hase yeeshee war kale ayaa ka dambeeyey.

Sida uu qoray wargeusla AS ee laspp naxa waddamka Spain, Lewandowski oo heshiiska uu kula jiro Bayern Munich uu soconayo illaa 2023 ayaa go’aankiisu yahay in marka ay soo dhamaadaan ciyaaraha qaramada Yurub ee Jimcaha maanta furmaya uu iska tago.

Real Madrid ayaa uu wargeysku sheegay inay tahay kooxda koowaad ee uu danaynayo laacibkani inuu ku biiro, laakiin Chelsea oo uu gadhwadeen ka yahay Thomas Tuchel ayaa iyaduna si adag ugu dagaallami doonta.

Labadan kooxood ayaa dookhooda koowaad kala yahay Kylian Mbappe oo Real Madrid ay doonayso, iyo Erling Haaland oo Chelsea aad u raadinayso, hase yeeshee madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa u jeedsan doona Lewandowski inuu soo xero-geliyo haddii uu Kylian Mbappe ay heli waayaan.

Goolashii Lewandowski dhaliyey xilli ciyaareed kasta

SannadkaKooxdaKulamadaGoolasha
20/21Bayern Múnich4048
19/20Bayern Múnich4755
18/19Bayern Múnich4740
17/18Bayern Múnich4841
16/17Bayern Múnich4743
15/16Bayern Múnich5142
14/15Bayern Múnich4925
13/14Borussia D.4828
12/13Borussia D.4926
11/12Borussia D.4730
10/11Borussia D.439
09/10Lech Poznan3421
08/09Lech Poznan4820
07/08Znicz Pruszków3421
06/07Znicz Pruszków2916

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*