DEG-DEG: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka Liverpool – Miyay Kusoo Baxeen Hazard & Ramos?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb qaadanaya kulanka adag ee ay habeen dambe gegida Alfredo Di Stefano kusoo dhawayn doonaan kooxda difaacanaysa Premier League ee Liverpool.

Xulashada tababare Zidane ayuu kusoo baxay da’yarka khadka dhexe ee Federico Valverde kaas oo kor u qaadaya dookhyada khadka dhexe ee kooxdiisa walow uu dhaawac ku maqnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Image

Warka aan u fiicnayn Los Blancos ayaa ah in Zidane uu go’aansaday inuu reebo Eden Hazard oo saaka tababarka la qaaday xiddigaha kale ee kooxdiisa, sidoo kale sidii la filayay waxaa ka dhex maqan Sergio Ramos oo isagu dhaawacmay.

Liiska Oo Dhammaystiran

Image

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*