DEG-DEG: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka Chelsea & Xiddigaha Culus Ee Soo Laabtay

Tababare Zinadine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya kulanka aadka muhiimka ugu ah ee ay habeen dambe Chelsea ku booqanayaan magaalada London ciyaar ah afar dhammaadka Champions League.

Labada kooxood oo lugtii hore natiijo 1-1 ah kusoo kala baxay kaddib goolal ay ka kala heleen Christian Pulisic iyo Karim Benzema ayaa si rasmi ah habeen dambe u xaqiijin doona kooxda Final-ka ugu tagaysa Man City iyo PSG midka caawa gudba.

Image

Liiskan ayuu Zidane dib ugu helay xiddigo badan oo laf-dhabar ah waxaana hoggaan u ah kabtan Sergio Ramos, sidoo kale daafaca bidix ee Ferland Mendy iyo khadka dhexe ee Fede Valverde ayaa labaduba kusoo baxay.

Waxa seegay Raphael Varane oo ku dhaawacmay ciyaartii toddobaadkan ee horyaalka La Liga balse sidoo kale Marcelo oo markii hore la filayay inuu sababaha doorashooyin Spain ka socda ku seego ayaa isaguna ula safray kooxda London.

Liiska Oo Sawir Ah

Image

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*