DEG-DEG: Real Madrid Oo Diidday Dalabkii U Horreeyey Ee Kasoo Gaadhay Manchester United

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska diidday dalabkii ugu horreeyey ee kasoo gaadhay Manchester United, kaas oo ay ku doonayso difaaca Faransiiska ah ee Raphael Varane.

Laacibkan ayay Manchester United hore ula gaadhay heshiis shaqsi ah oo ay iskula qaateen mushaharka uu qaadanayo iyo sannadaha uu saxeexayo, laakiin waxa u dhinnaa in ay la xaajoodaan Real Madrid.

Varane 2

Warbaahinta Ingiriiska ayaa shalay shaacisay, in labada kooxood ay wada-hadallo toos ah u socdaan, isla markaana aanu jirin kala-fogaansho badan inkasta oo ay xoogaa ku kala duwan yihiin lacagta ay ku kala iibsanayaan.

Sida uu qoray wargeyska DiarioAS ee kasoo baxa waddanka Spain, Manchester United ayaa dalab rasmi ah gaadhsiisay Real Madrid kaas oo ay ku doonayso difaacan, laakiin Real Madrid ayaa jawaab diidmo ah ka bixisay dalabkaas.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in Manchester United ay gudbisay dalab xambaarsan €40 milyan oo Euro oo lagu darayo €5 milyan oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa, dibna ay ka bixin doonto United.

Laakiin Real Madrid ayaa ka  biyo diidday qiimahan, waxaanay dalbanaysaa in lacagtaasi gaadho amaba u dhowaato illaa €70 milyan oo Euro, taas oo Manchester United ay u aragto mid aad u badan maadaama laacibkan uu sannadkii ugu dambeeyey galay qandaraaskiisu.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*