DEG-DEG: Rafa Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Everton & Taageereyaasha Liverpool Oo Dil Ugu Hanjabay

Tababarihii hore ee Liverpool ee Rafa Benitez ayaa loo magacaabay macallinka cusub ee Everton, waxaanu qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood uu ku joogayo Goodison Park.

Horraantii bishan ayay Everton wada-hadallo la bilowday Rafa kaddib markii ay joojisay xiisihii ay u qabtay Nuno Espirito Santo oo kategay Wolves, waxaana ugu dambayn si rasmi ah loogu dhawaaqay maanta oo warbaahinta loosoo bandhigay.

Benitez 1

Tababaraha reer Spain ee 61 jirka ah ayaa shaqada bilaabi doona bisha dambe isagoo kooxdan ku hoggaamin doona kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarin doonaan xilli ciyaareedka dambe.

Bentiez oo la hadlay webstie-ka Everton, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu ku biiro kooxdan, isla markaana uu la dhacay qorsheyaashooda intii ay u socdeen wada-hadallad, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro Everton. Intii uu hannaanku socday, waxa aan aad uga helay damaca ay ii muujiyeen wakiillada sare ee kooxda iyo damaca guuleed ee taariikhiga ah ee kooxdan.

“Waxa aan rumaysanahay, in ay meel u socoto, waxaana iga go’an inaan kaalin weyn ka ciyaaro sidii aan uga caawin in kooxdani gaadho damaceeda guulo waaweyn.”

 

Maalin ka hor intii aan la magacaabin, Benitez ayaa la kulmay hanjabaad, waxaana bannaanka loogu dhejiyey hanjabaad ahayd: “Waanu ognahay halka aad ku nooshahay. Ha saxeexin heshiiska.”

Booliska magaalada Liverpool ayaa baadhitaan ku bilaabay kiiskan iyo hanjabaadda, waxaana la rumaysan yahay inay ka timid taageereyaasha Liverpool oo u haysta inuu yahay halyeygooda laakiin ay ku adag tahay inay rumaystaan inuu noqonayo tababaraha kooxda ay cadaawadda weyni ka dhaxayso.

Benitez ayaa Liverpool taariikh weyn ku leh, isagoo soo layliyey muddadii u dhaxaysay 2004 illaa 2010, waxaanu muddadaas u qaaday Champions League sannadkii 2005 iyo FA Cup oo uu ku hoggaamiyey sannadkii xigay.

Waxa kale oo la xasuusan yahay, in waqtigii uu Liverpool yimid ay kooxdani ahayd mid aan xisaabta ku jirin oo dhibaatooyin ku jirtay, laakiin Champions League uu u qaaday uu sare usoo qaaday.

Benitez ayaa waxa uu Everton u beddelayaa Carlo Ancelotti oo dhowaan iska casilay loona magacaabay tababaraha Real Madrid.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*