DEG-DEG: Qorshaha Xaraashka Chelsea Oo Sii Socda & Da’yar Kale Oo Koox Premier League Ah Kaga Biiray

Kooxda Leeds United ayaa ku dhawaaqday saxeexa 18 sano jirka Lewis Bate oo ay kala soo wareegeen dhinaca dhigooda Chelsea isaga oo noqonaya ciyaaryahankii shanaad ee ay xagaagan la wareegeen.

Bate oo ka tirsan da’yarta xulka England ayaa heshiis saddex sano u saxeexay Leeds kaddib markii uu shalay u safray halkaas isla markaana tijaabada caafimaadka ku maray.

TsljBrOo?format=png&name=small

Leeds United ayaa la filayaa inay 1.5 Milyan pound ka bixin doonaan saxeexa Bate, Chelsea ayaa heshiiska ku dartay qoddob dhigaya inay iibkiisa mustaqbalka lacag ku yeelato balse aan ku darin qoddob dhigaya inay dib ula saxeexan karaan.

Wargeyska MailOnline ayaa Isniintii sheegay inay Bate doonayaan kooxo badan oo ay Chelsea Premier League ku xifaaltamaan balse Leeds United ayaa noqotay kooxda ku guuleysatay.

Leeds ayaa saxeexa Bate kaga hormartay kooxo ay kamid yihiin Liverpool, West Ham United iyo Southampton. 18 sano jirkaas oo tan iyo markii uu siddeed sano jirka ahaa Blues kasoo tirsanaa ayaa hal sano ka hadhsanaa heshiiskiisa Stamford Bridge isla markaana diiday inuu wax heshiis kordhin ah sameeyo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*