DEG-DEG: PSG Oo Ku Dhawaaqday Saxeexa Gini Wijnaldum & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Barcelona U Diiday

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday saxeexa khadka dhexe ee xulka Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo ay qaab xor ah kula wareegeen maadaama oo uu dhammaadka bishan heshiiskiisii Liverpool dhacayo.

Wijnaldum ayaa soo dhammaystay shan sano oo uu kusoo qaatay Liverpool oo uu sanadkii 2016 kaga yimid dhinaca Newcastle United, Gini ayaa taariikh la sameeyay mudadaas Reds isaga oo koobab waaweyn lasoo hantay.

Hal koox oo la filayay inay saxeexa Wijnaldum ku guuleysato ayaa ahayd Barcelona oo uu heshiiska shaqsiga ah horeba ula gaadhay.

Sidoo kale hubka gaarka ah ee ay u haystay Barca soo xerogalinta saxeexa Wijnaldum ayaa ahaa inay haystaan tababare Ronald Koeman oo ay dalka Netherlands kasoo wada jeedaan sidoo kalena xulka dalkaas kusoo maamulay.

Gini ayaa go’aansaday inuu hal bacaad lagu lisay ka dhigo wacadkii uu la meel dhigay Blaugrana isaga oo si deg-deg ah ugu jeedsaday dhinaca kooxda caasimada France.

Wijnaldum ayaa PSG sanadkii ka qaadan doona heshiis 10 Milyan oo euro ah waana in ka badan laba jibaar wixii ay Barca u bandhigtay markii hore, heshiiska uu Parc des Princes ku joogayo ayaa gaadhsiisan ilaa 2024.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*