RASMI: Luka Modric & Toni Kroos Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Iyo Zidane Oo Shaaciyey Xiddigihiisa Kulanka Cadiz

Real Madrid ayaa qalalaase kale sii gashay, tababarkii maanta laga waayey xiddigo muhiim ah oo sidoo kale aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Cadiz ee habeen dambe.

Tababare Zinedine Zidane oo ciyaartooyo la’aani haysay ciyaartii Getafe, dantuna ku qasabtay in uu adeegsado ciyaartooyo uu heerka labaad uga yeedhay, ayaa waxa sii kordhay liiska ciyaartoydiisa dhaawaca ah.

Kaliya difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa kasoo kacay fayraska Korona ee uu muddada 14ka maalmood ah karantiilka ugu jiray, afarta ciyaroodna uu ku seegay, waxaase wali maqan xiddigihii kale sida Sergio Ramos, Fede Valverde, Ferland Mendy iyo Lucas Vazquez.

Iyadoo ciyaartoydani ay hore u maqnaayeen, waxa tababarkii ugu dambeeyey aan qaadanin Toni Kroos oo qolka jimicsiga ku qaatay waqtigiisa, iyadoo uu ciyaartii horena kaydka fadhiyey oo aan lasoo gelin.

Laacibka reer Germany ayaa dhaawac fudud qaba, waxaanu taam u noqon kari waayey kullanka Arbacada ee Cadiz iyadoo uu ku maqnaanayo dhaawacaas.

Tababare Zinedane ayaa liiska ciyaartoydiisa ka saaray Toni Kroos iyo sidoo kale Luka Modric oo aanay wali kooxda war buuxa kasoo saarin sababta uu kulankan u seegay, laakiin waxa la tuhunsan yahay in uu jiro dhaawac maadaama aanay haysanin ciyaartooyo kale oo khadka dhexe.

Casemiro oo kasoo laabtay ganaax iyo Isco ayaa ah labada ciyaartoy ee kaliya ee khadka dhexe ee Real Madrid ay haysato kulanka Cadiz.

Warka fiican ee uu Zidane helay ayaa waxa uu yahay in difaaca reer Spain ee Nacho oo ganaax ku seegay ciyaartii Getafe uu isaguna oo noqday iyo difaaca midig ee Dani Carvajal oo muddo u jiifay dhaawac, taas oo kala-doorashooyin khadka dambe ah siinaysa Zidane.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Cadiz:

Goolka: Courtois, Lunin and Altube.

Difaaca: Carvajal, E. Militão, Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola, Chust and Miguel.

Khadka Dhexe: Casemiro, Isco, Arribas and Blanco.

Weerarka: Benzema, Asensio, Vini Jr., Mariano and Rodrygo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Real Madrid may tartanteen haday berri hore ka dhaawacmi lahaayeen sadexda ciyaartooy ee qadka dhexe sudaan aaminsanahay dhamaan ciyaartooyda kale real waxba uma noqon lahayn haday haystaan modric,kroos,casimero

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*